|

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta Jabuuti ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Muqdisho 30.June (SDN) Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay wasiirka Garsoorka Cadaalada Diinta iyo Awqaafta ee dowlada Soomaaliya, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Labada Gole iyo mas’uuliyiinta safaarada Jabuuti.

Wasiirka Diinta Dhaqanka iyo Awqaafta Jabuuti Aadan Xasan Aadan oo shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa saxaafada u sheegay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay u yimaadeen ka qeybqaadashada xuska munaasabadda xoriyadda ee 1-da Lulyo oo ku began caawa.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay iney u yimaadeen sidii ay walaalohooda Soomaaliyeed ula qeybsan lahaayeen farxadda munaasabadaha lagu weyneynayo maalinta madaxbanaanida ahna israacii labada gobol taasoo 53 sano kadib caawa si weyn looga xusidoono meel kasta oo ay Soomaali ku noolyiin.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed