Hargaysa 09.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Gudiga Joogtadda ah ee Golaha Wakiilaada ahana Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md. Ibraahim Mahdi Buuba,ayaa maanta Waraysi gaar ah oo uu Xafiiskiisa Ku siiyay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoogta kaga xog-waramay Guddi ahaan iyo sida shaqadoodu ugu socoto, Suura-galnimadda inuu soo laba kacleeyo Khilaafkii Gilgilay Golahooda,Xaaladda Xisbiga uu ka tirsanyahay ee Waddani,Rajadda ay ka qabaan inay ku guulaystan Doorashooyinka dalka ka qabsoomi doonta sida Qorshuhu yahay sanadka 2015-ka iyo arimo kaleba.
Xildhibaan Buubaa Waxa uu ku Dooday in Hadii uu Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu ay Niyada Geliyaan in Mudo Kordhin loo sameeyo ay Taasi keeni doonto inuu dalku isu bedelo Miidaanul Taxriir ama Isu Soo bixii Rayi dhiibashada ee Masar.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO XOG WARANKA XILDHIBAAN BUUBAA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/buubaa09(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
