|

Wariye Gabay Iyo Dhaliilo Culus Kaga Hadlay Awood Kala Jiidasho Ka Dhex Jira Labada Ardaa ee Beesha Madaxweyne Siilaanyo, oo uu Sababteeda u Nisbeeyey Wasiir Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi DAAWO

Hargaysa 30.July 2015 (SDN/QJ)- Wariye Cali Mahdi oo ka tirsan wariyeyaasha Hargeysa ka hawl galaya ayaa Gabay Culus Waxa uu ku cabiray awood kala jiidasho ka dhex jira Beesha uu Qudhiisu ka soo Jeedo ee Habarjeclo.
Muusoow aduunyada nin ragi waa mintidayaaye waa kaa walaalkaa maxamed miidhay dhaxalkiiye muraadkiisii goortuu hantiyay, kaa maktabadroone hadaad shalay mataanaha ahaynd, midigta reerkeena Madiyowday maalintuu xilkii mudanihii fuulay ***** mansab habar xabuusheed lahayd, maxamed kaa dhaari milyaneeradaadii dartood maafishka u joogay lama marin wanaagay mudnayd, maalin iyo layle waxaad doolar moorkii ku xidhan , maalin cad hibaysay maaliyo waxaad mood hurteed, olole miisaantay muraaqadii aday kula hadhee, mililka fuuqfuuqso ****** Burco iyo dhulkii maxamedee, diirtu miranaysay waa wada muraayado ifoo, lays mahadiyaaye malaayiin tan baa loo huraa maalin iyo leyle balidhiig waxaa loo maraa, dawyo muuq wacan madaxtooyo bay leedihiyo, daaro magacweyne qoriligudna way maanacdoo, manta waw guul caynabina mansabkay lahayd looma meel marin mugdi iyo habeen baa u dumay maarisadii xiis madheedh iyo ilaa maax, dadkii way muhanayaan ceel afweyna marinkii ka xidhan maalmo dabadiiye muusoow gar’adagtii doraad, lagu mariimayay hada maanta way necebyihiin, meheradiiniiye kaa maaran hadii aad tolkaa shalay miciinaysay ****** maamuuska reer daahir helay, lama malaynayn salamadow waxay maal hanteen, cidi ma moogayn inuu yeesif meeqaamsan heli cidi ma moodayn reer raage oon muuqan jirin, magucu soo saar uduruxmiin miise iyo yoonis madiyow dhe biciidana mankuu shalay ahaa,manta laga qaad dhe reeryoonis waa madax saree muuse soo qabay dhe. alaa magane, sidan reer madheedh,lagaga meeqroon dhe. Xirsibaaba madax doonayoo loo mushaxaradaaye wax la yidhi mareexaan ka dhiga , magaca reerkeena. saleebaana waa oday mudane, mariya weedhiisa reytana majnuunbuu noqdee, muuqa ku colaadsha mirta xaashi iyo reygalkii, madiyadii tuura maxamed mooyee cid kale, magantu yayraacin muusana codkii oo uu huraa meel isaga taale ****** Ilaa maalintuu maykal jiray magicii aad dhowrtay midnimiyo waxaad reer tolkaa meel isugu keentay wixii aad musbaax iyo malaaq magan galyaynaysay haduu maanta xaalkii ku gabay adiyo maankaa dheh. ******* Maantoy shantii gaadhoyoo milicdu ay hayso waa kaa miciin soo bidoo safar ku soo muuqday marsadaad lahayd iyo bankii soo muti,inaaya saraariyo ilaa maax is yidhi, maanta soo arag abaal laawe aad mahadisaad magac ku waydeene adoo mariya wixii uu mudnaa waa maniyo guule afxumiyo wuxuu cay marsaday maalin cad u sheega Inuu muusihii shalay tashaday, miimka uga sheega magicii xabuusheed ka jara maanka iyo laabta ma aakhiruuu aboor kugu marnaa micida kaa saari ****** ama waad mushxaradaane mar kale magucu hay raaco oo sida marlaydumar toloow meherku hay gaadho sooryiyo mariinkay wadaan, maalmo ha I hayso hankii laba manjoodiyo u guba, midaan ku haynayn. ******* mataanaha ifkaa lagu yehee iilku waa madi camalkaaga mooyee wax kale kuma mideeyaane hada kuuma meel deyin hadaad weli wax moodayso tol xumaanta waad mudantehee, yuusan meel marin axmed kii mucaaradad necbaa muuse wuu tebiye hadaaad maanac kale aad gabtaan dhagax ku maamuusa

Comments are closed