|

Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Inta hayaankeenna iyo geedigeenna nololeed ka leexatay waa inaynu u samirnaa kuna soo ridnaa jidka toosan, iyadoon arrintaa laga maarmayn.

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa maqaal talo- soo- jeedin ah oo warqad-furan ah oo ku socota Madaxweynaha J/Somaliland oo uu diyaariyey Rashiid Sulub Caalin oo ah muwaadin inta badan ka shaqeeya danaha guud, isla-markaana si-mutadawacnimo ah sama-fal uga gaysta arrimo badan oo dadku mooggan yihiin. Isagoo ku mutaystay ixtiraam badan oo bulshada dhexdeeda ah, iyadoo bulshadeeenu aad u qiimeeyo hadalkiisa iyo hawlaha uu wado guud ahaan-ba. Waxa kale oo ay dadku aad u majiirtaan fikradaha uu soo jeediyo ee ku tacaluqa danta guud. Talooyinkaas iyo soo-jeedimaha uu Madaxweynaha u dirayaana waa kuwan:

Ugu horayn Madaxweyne waxaan kugu salaamayaa salaanta islaamka “Asalaamu calaykum wa raxmatu-Laahi wa barakaatu”. Marka labaad waxaan kugu hambalyeynayaa oo aan kugu bogaadinayaa talaabadii geesinimada iyo hawl-karnimada lahayd ee aad socdaalka shaqo dalka badankiisa ku martay, talaabadaas  oo ahayd mid aad loogu baahnaa, adigoo si xog-ogaalnimo ah indhahaaga ku soo arkay xaaladaha bulshada qeybeheeda kala duwan ku sugan yihiin inta badan ee dalka.

Madaxweyne, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa oo aan taladayda ka dhiibanayaa arrin  aan u arko inay wax-ka-qabasho deg-dega u baahan tahay, loona baahan yahay in dowlad iyo bulsho ahaanba loo soo jeesto. Anigoo rajaynaya inay warqadan-furani ku soo gaadho iyo talada muhiimka ah ee ay xambaarsan tahay.

Anigoo war-bixintayda u kaashanaya waayo-aragnimadayda jeelasha, Waxaan hawlo samo-fal ah aan ka waday Jeelasha inta aan gaadhi karo anigoo kolba waxa karaankayga ah u qaban jiray maxaabiista sida timo-xiirista , buufinta cayayaanka 40-kii cisho-ba hal-mar, Cadayga, Dacaska dowooyinka ay u baahan yihiin, wacyigalin iyo muxaadarooyin , niyadda oo aan u dhiso oo aan ku dhiiri-galiyo inay qorshe la yimaaddaan isla-markaan waxyaalaha xun-xun ee balwadda ah ee nolosha ka reebaya inay faraha ka qaadaan, maxaabiista kuwooda nafaqo-darradu hayso oo aan u ballamiyo cunto nafaqo leh, ka looma-ooyaanka ah ee Aabbihii ama Hooyadii dilay inaan ka war-hayo iyo  sidoo kale waxaan dhisay meel ay ku nastaan dadka maxaabiista booqanaya ama cunto u gaynaya iyo hawlo kale oo samafal ah. Iyadoo tani aanay faan iga ahayn Illaahayna aan ka rajaynayo inuu iga abaal mariyo, xasanaad-na iga siiyo. Markaa haddii aan hoosta ka xarriiqo waxyaalaha igu dhaliyey talooyinkan, waxa dhacday maalin-maalmaha ka mid ah aan u tegay 5oo maxbuus oo xidhnaa isla-markaana ay ii- sii diyaar-garoobeen kulankaa ka-bacdi waxay iga codsadeen oo ay yidhaahdeen waxaanu kaa codsanaynaa inaad naga caawiso dacwadiisa ninka noogu xadhiga dheer ninkaasi oo xidhnaa 15 sanno oo kiis dil ah lagu waayey isagiyo 2 nin oo kale laakiin lagu xukumay 33 halaad midkiiba inuu bixiyo, sheekadaa oo sheeko dheer ah oo aanan halkan ku dhammayn karayn oo igu qaadatay 3 sanno- ku- dhowaad inaan arrinkiisa soo gabagabeeyo laakiin nasiib darro markii la bixiyey magtii ee uu soo bixi lahaa maxbuuskaasi ayey tii Alle  u timi waanu geeriyooday sabbabo la xidhiidha cudurka TB-da oo uu qarinayey. Arrintaasi waxay igu noqotay Tusbax furmay maxaa-yeelay waxay iga codsadeen midba midka kale ee uu kasii darran yahay inaan ka caawiyo dacwadda kiiska loo haysto, waxaanan is arkay anigoo maxkamadihii uga doodayaa intoodii ay I baryeen ama ay iga codsadeed. Sidaa-daraadeed waxaanan ogaaday in dadka Jeelka ku jira iyo dadka Naafada ahi ay yihiin kuwa ugu nugul uguna culays badan bulshada, anigoo shaqadaydii culays xoog leh igu hayso isla-markaana ilaa 5 xanuun oo Soomaalida badakeedu qabto I hayaan isla-markaana aanan helin Looyaro mutadawiciin ah  waxaan shaqsi ahaan is-waydiiyey haddii 100 qof-ku-dhowaad qof oo mag iyo dil ku xukuman  aan u go’o oo aan shaqadayda iloobo inay igu qaadanayso sidaan waayo aragnimadayda ku helay 200 sanno inaan ka shaqeeyo dacwadahooda, taasoo aan suurto gal ahayn, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa “far-kaliyi fool ma dhaqdo” dowladduna waxay awood u leedahay inay dadkaa wax u qabato markaa sidaasaa wax-qabadkaygii anfac ku yeelanayaa intaan 2 iyo 4 maxbuus u doodi lahaa. Anigoo wakhti-xaadirkan door-biday inaan wax-u-qabto ilaa 10-ka mid ah maxaabiista kuwaasoo aan is- leeyahay way ugu mudan yihiin. Sida runta ah-na qalbigaygu wuxuu  doonayaa inaan dadkaa wax aan u qabto si aan Illaahay agtiisa uga mutaysto wanaag isla-markaana waxaan goostay inaan arrintaa jeelka u soo ban-dhigo Madaxweynaha J/Somaliland oo ay gacantiisa ku jirto awood uu wax kaga qaban karo.

Xaalada Xabsiyada iyo Talooyin ku-lammaan:

Waxaan marka hore halkan mahad-celin uga jeedinayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta J/Somaliland, labada Taliye ku xigeen ,Taliyayaasha Hoggaanada Xabsiyada, dhammaan Taliyayaasha Xabsiyada iyo guud ahaan Ciidanka Asluuta J/Somaliland, iyagoo gacanta ku haya illaa 500 oo maxbuus oo dambiyo loo haysto. Sidoo-kalena aniga gacan iga siiya iyagoo aad ii soo dhoweeya dadkaa xidhan ee xoriyadii laga qaaday sababo la xidhiidha dambiyo ay galabsadeen inaan wax ka qabto baahiyahooda inta karaankayga ah. sidii aan hore u sheegayna illaa 15 sanno aan gargaar u fidinayey hadday noqoto xagga caafimaadka , Nadaafadda iyo inaan si gaar ah uga war-hayo kuwa looma-ooyaanka ah. Haddaba  dadkaa dilka loo haysto ama magta oo ilaa 100 maxbuus gaadhaya iyo kuwa dilka ku xukuman iyadoo aynu wada ognahay imika dowladdu inaanay fulin xukun dil ah, kuwo kale ee magta loo haysto inay bixiyaan-na waxa ku jira qaar badan oo reerahoodii kala go’een oo ay naceen waxna aan ka bixinayn, waxa kaloo jirta khilaaf iyo is-afgarasho la’aan ka taagan reerkii wax laga dilay iyo reerkii wax-dilay taasi oo loo baahan yahay in laysku soo dhoweeyo. Waxaanan odhan karaa dadkaa maxaabiista ah ee aan soo sheegnay waxay u dhexeeyaan geeri iyo nolol markaa madaxweyne waxaan kugula talinayaa

  1. Waxaan Madaxweyne kuu soo jeedinayaa In guddi-sare oo gaar ah aad u saarto oo isugu jirta Aqoonyahanka Ganacsatada , Madaxdhaqameedka , Culimadda iyo Dowladda isla-markaana inay 6 bilood gudohood ay ku keenaan war-bixin dadkaa ku  saabsan islmarkaana xalka ay soo bandhigaan, tusaale ahaan guddigani waxyaalaha ay qabanayaan waxa ka mid ah:

-reerka wax laga dilay iyo kan dilay-ba in laysku soo-jiido oo af-garad laga dhex abuuro.

-Inay ku boorriyaan dadkii wax laga dilay inay illaahay dartii ay saamaxaadda ku dadaalaan.

  1. Waxa kale oo aan kuu soojeedinayaa Madaxweyne  in qeybtii dumarka ee jeelka Hargeysa deg-deg loogu dhiso, halka immika la geeyo magaalada Gabilley taasi oo ku dhib ah ehelka dumarka maxaabiista ah.
  2. Sidoo kale waxaan talo ku soo jeedinayaa in la hagaajiyo nidaamka maxaabiista cusub ee Jeelka Hargeysa loo qaabilo. Sidaa awgeed waa in jeelka gudihiisa laga dhiso hal qol oo maxaabiista cusub lagu soo horraysiiyo oo alaabta uu wato iyo dharkiisa lagu hubiyo inay nadaafada ahaan fiican yihiin si aanu cayayaanka aan ka buufiyo aanu ugu soo noqnoqon maxaa yeelay haddii kolba qof cayayaan sidaa uu jeelka soo galo waxa soo noqonaya cayayaankii la buufiyey.
  3. Waxaan Madaxweyne kuu soo jeedinayaa In dhalinyarada 20-jirka ka yar ee la dhex-geeyo rag quus ah oo 20 sanno lagu xukumay taasoo ay ka dhalan karaan fawaaxish sidii Qoomu-Luud sidaa daraadeed waa in loo sameeyo jeel  u gaar ah.
  4. Waxa kale oo jirta muddane Madaxweyne in xeerkii lagu dhaqayey Jeelashu uu hor-yaallo isagoo qabyo ah Guddiga Xuquuqul Iinsaanka ee Baarlamaanka waxaanan u soo jeediyey in dhowr qodob lagu daro oo ah:

a)      in loo ogolaado maxaabiista muddada-dheer xidhan in xaasaskooda sharciga ay ku qabaan la tuso oo ay la kulmaan bishii 2-jeer sidaasna waxa ku badbaadaya bulsho-wayntii oo tusaale ahaan marka ninka 20 sanno la xukumo xaaskiisii way iskaga cararaysaa , ciyaalkiina waxay noqonayaan kuwa bilaa Aabbe iyo Hooyo ah oo ciyaal-suuq ah oo mukhaadaraadka isticmaala.

b)       Sidoo kale Waxaan u soo jeedinayaa Guddiga Xuquuqal Iinsaanka ee   Baarlamaanka inay ku daraan qodobka Mukhaadaraadka iyo Kubsiga isla-markaana dambiilayaasha gala kiisaskan in lagu xukumo  3 sanno oo kaliya, maxaa-yeelay waxa jira dad badan oo 3-dii sanno dhamaystay oo u xayiran 3-dii Milyan iyadoo aanaycidina ka bixinayn lacagina meel aanay u oollin. Markaa waxaan soo jeedinayaa in culayska dowladda ay ku hayaan sii hayntoodu laga fududeeyo oo la siiyo jaanis labaad oo haddii uu ku noqdo dambigaasna lacagtaas lagu ganaaxo.

c)      In dumarka laga yareeyo xadhiga maadaama ay yihiin beer ubad soo-saaraysa , lagana yaabo inay ka waantoobaan dambiyada ay galeen.

d)     In maxaabiista wax la baro waayo waxaan rumaysanahay fal-dambiyeedkaa ay galeen iyo aqoon la’aantoodu inay habar-wadaag yihiin.

e)      Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wax laga beddello muddada dadkani ay xidhan yihiiin maadaama dadkan waddanku u baahan yahay xooggooda islamarkaana laga yaabo in Illaahay waddada fiican ku soo rido.

  1. Waxa kale oo aan Madaxweyne soo jeedinayaa inaan  in Maxkamadda Sare, Maxkamadda Gobolka M/Jeex, Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamadda Degmada dhexdooda laga sameeyo saldhig xabsi ah oo ku-meel-gaadh ah. Waayo waxaad arkaysaa mMaxaabiistii Saldhigyada laga keenayey oo baabuurtii ka xuntahay ama shidaal la’aan u xayirmay isla-markaan  ballan ku leh Maxkamadda, markaa in la habeeyo oo maxaabiista maalin ka hor ballanta la keeno saldhigaa xabsiga ah.
  2. Waxa kale oo aan Madaxweyne kuu soo jeedinayaa Hay’adii inoo dhistay jeelkaHargeysa oo wali faraha kula jirta hawl-maalmeedka jeelka in Wasaarada Cadaaladdu u mahad-naqdo wada-shaqayntoodii, una sheegtaa inaan iskaga filanahay talada ay bixinayaan maxaa-yeelay waxa la helayaa rag 50 sanno ka shaqeynayey oo tallo la diyaara. Markaa iyadoo si asluub leh loogu sheegayo waa in laga faa’iidaystaa dadka waayo-araga ah ee waddanka jooga, haddii baahi jirtana waxaynaan hayn laga dalbado sida inay inaga caawiyaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca  oo maxbuuska ama cida baxsata lagu raadceeyo iyadoo raggii waddi lahaa ay makhaayadaha fadhiyaan.

Waxaan mahad-weyn  u jeedinayaa Guddiga Xuquuqul Iinsaanka ee Qaranka oo ay hogaaminayso Fadxiya Xuseen Axmed Hay’adaas oo wax badan u qabata dan-yarta dhibban rag iyo dumar-ba gaarahaan dhinaca dumarka inay wax badan ka qabteen oo ay mutaysteen in loogu mahad-naqo hawshoodaa.

Mudane Madaxweyne, waxa aan si fiican uga dharagsanahay in waajibaadkaaga shaqo uu balaadhan yahay isla-markaana ay kaa caawiyaan waajibaadka qaran ee ku saaran masuuliyiin aad u igmatay, runtii waxa kale oo aan ogsoonahay inaanad moogganayn talooyinka aan kuu soo jeediyey laakiin waxaan jeclaystay inaan kugu baraarujiyo talooyinkan si aad ugu xil-saartid guddi ka hawl-gasha arrimahan iyo waxkasta oo suurtogal ah oo aad wax kaga qabanayso qodobada talooyinka ah ee kor ku xusan.

Waxa kale oo aan hoost ka xarriiqayaa haddii aan waxba laga qaban arrimahan inay dhibaato keeni doonto.

Ugu danbayn madaxweyne waxaan rajaynayaa in warqadani ku soo gaadho oo ay indhaagu haleelaan oo aad isku dayi doonto in wax laga qabto aniga oo aan dadka ka maskax badnayn laakiin qalinka iyo warqada u qaatay danta guud ee reer Somaliland inaan wax-yar ka sheego waxaan Illaahay ka rajaynayaa inuu quluubteena isku soo jeediyo oo inaga yeelo kuwo maalintiina arrinka qaata habeenkiina shaydaan aanu haleelin.

Waxa qalinka u qaatay: Daaci, Mufakar, Sama-fale,Qoraa: Rashiid Sulub Caalin Email:Sulub2007@yahoo.com Tel: 0634426781

 

Comments are closed