|

Wasaarada Caafimaadka iyo Dr Cali Macaw oo Qaab kala Duwan uga Hadlay Sababaha Shaqada looga Joojiyay

Hargaysa 31.March 2014 (SDN)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,ayaa sheegtay inaan dhakhtar Macaw Somaliland ka hawl gali karin isla markaana uu dalka fiiso sharci ah ku soo galay oo uu shaqsi ahaantiis ajoogi karo.

macow iyo dgAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cismaan Xuseen Warsame,ayaa intaa ku daray in aanu soo marin sifihii sharciga ahaa ee uu dalka Somaliland kaga hawl gali lahaa isla maraana   tilmaamay inaanu dalka ka shaqayn Karin.

“markii aanu ogaanay inaanu buuxin shuruudhii uu kaga hawl gali lahaa Somaliland waanu ka joojinay shaqadii.”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa si wata.

“Shuruudaha nooyaalaa waxaa ka mid ah inuu soo maro ururka mihnadlayaasha oo soo cadeeya inuu shaqadaa qaban karo laakiin muu soo marin,Ma dhacdo dalna in intuu dhakhtar iska yimaado  oo uu meel fadhiisto inuu baadhitaan iska bilaabo.” Ugu dammbayn waxaa uu agaasimaha Guud ee  Wasaarada Caafimaadka Somaliland sheegay in dadkii isku diiwaan galiyay dhakhtar Macaw in lacagtoodii loo celin doono.

“dadkii lacagtii waa loo celinayaa kol,haddaanu shaqadii bilaabi dhakhtarku.”

Dhinaca kale Dr Cali Macaw Aweys ayaa eedahaasi iska fogeeyay islamarkaana sheegay inaan cidna aqoontiisa wax ka sheegi Karin, leeyahayna Aqoon uu Wadamada Caalamka kaga shaqeeyo.

“ Aad iyo aad ayaan uga xumay waxa dhacay, wax wanaagsan maaha, laakiin waxaan leeyahay Dhakhtarnimadayda iyo Aqoontayda cid wax ka sheegi kartaa ma jirto. Haddii aanan takhasus lahayn sidee ayay ku suurto gashay inaan Jarmal ka shaqeeyo aniga oo Nin Soomaaliya ah, Meesha Ingiriiska ahna aan ka shaqeeyo. Side ayay ku dhacday inaan halkaana ka shaqeeyo Somaliland na aanan ka shaqayn Karin anigoo Soomaali ah. Dhakhtarnimadayda iyo takhasuskayga shaki kuma jiro oo meel walba waa laga Ogyahay. dalka Jarmalka 25 sano ayaa Xaruni iiga furayd, Ingiriiskana laba Xarumood ayaa iiga furan, waxaanan kaga shaqeeyaa Takhasuskayga.” Ayuu sheegay Dr Macaw oo Hargeysa ugu waramay BBC-da.

Dhakhtar Macaw ayaa todobaadkii hore shaqada laga joojiyay isagoo adeeg Caafimaadka bilaabay Xarun Caafimaad oo Hargeysa ku taala, taasi oo ay iska diwaan galiyeen dad gaadhaya laba kun oo qof. Wararka ayaa sheegaya in Dr Macaw Magaalada Jigjiga ee Ethiopia tagi doono si uu uga fuliyo Adeegyada Caafimaad islamarkaan lacagta loo celin doono Dadkii Hargeysa iska diwaan galiyey.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed