|

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo Meel adag iska Taagtay Sheekh Sheegay in Magta raga iyo Dumarku Siman tahay {DHAGAYSO}

Hargaysa 31.March 2014 (SDN)- Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta ka hadashay hadalkii dhawaan kazoo yeedhay  sheikh ka mida culimadda Magaalada Hargaysa oo sheegay in ay siman tahay maggta ragga iyo dumarka  marka laga eegayo dhinaca Diinta Islaamka waxaana masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay kaga hadleen shir jaraaid oo ay ku qabteen xarunta wasaaradaasi kaasoo ay kazoo saareen war saxaafadeed ay kaga hadlayaan waxa ay wasaarad ahaan ka qabaan  talaabadda sheekhaasi ku kacay, waxaanu u dhignaa war saxaafadeedku  sidan.

 

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyadoo ka duulaysa masuuliyadeeda Diineed ee ay umada u hayso oo ah ilaalinta iyo ka hor taga wixii khal khal iyo khilaaf Diineed galinaya bulshada somaliland ee muslimka ah iyo islaamkaba.

Waxay wasaaraddu ku bayaaminaysaa warsaxaafadeedkan war baryahan danbe la isla dhex maraayay oo ka socday ama ay qoreen qaar warbaahinta dalka  ka mid hi,kaas oo ku saabsan  in Shiikh Maxamed Maxamuud Xiiray uu sheegay in ragga iyo dumarka magtoodu isku mid tahay , iyadoo oo wargayska Haatif cadadkiisii 3563  ee soo baxay 30 /03/2014 , uu ku soo baxay warkaasi, taas oo khilaafsan shareecada Islaamka iyo Ijtimaaca Muslimiinta.

Hadaba iyado oo ay waajib tahay in loo caddeeyo umada masaladaasi laga ilaaliyo khilaafka iyo dooda ma dhalayska ah ee dadka jahawareerinaya.

Si arinkaasi bulshada looga waadaxiyo waxa xafiiska waaxda iftaha shareecada , xafiiska  isu duwaha gobolka maroodi jeex ee wasaardda diinta iyo awqaafta  gobolka maroodi jeex  , dhamaan culimadda wasaarada diinat iyo awqaaftu waxay war saxaafadeedkan ku cadayanayaan qodobada hoos ku qoran.

1 Hadalka ninkaasi kazoo baxay waxa uu khilaafsanyahay Shareecada Islaamka iy Ijtimaaca Umadda islaamka iyo afarta madhabood , mana aha sheegasho been ah sida isagu uu carabka ku dhuftay

2 Waxay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay bulshadda u sheegaysaa in maggta gabadha Muslimadda ahi ay tahay magta ninka badhkeed iyada oo loo cuskanyo Sunaha Nebigeena [N N K H ] iyo xukunka Khulafaa u raashidiintii iyo Ijtimaaca Muslimiinta dhamaantood Mad habha afarta ah.

3 Hadalka Sheekha kasoo yeedhay wuuu khal khal gelinayaa degenaanshaha  Nabad galyada Umadda  taasoo iska hor keeni karta lamaanaha bulshada Umadda Somaliland.

4 Mad habta dalkeeny hayto ee aynu ku dhaqano dhamaan culimadii hore iyo kuwa danbaba waxay isku waafaqsan yihiin in magta gabadha Muslinka ahi ay tahay 50 Halaad .taasoo ah Dhaqankii Nebigeena [CSW]  iyo kii Asxaabtii balse aan ahayn dhaqan soomaliyeed iyo caado toona.

5 Hadaba waxay wasaaradu kula dardaarmaysaa dadka reer somaliland in waxa ninkaasi  sheegayo aanay dhag jalaq u siin ama aanay dhagaysan  maadaama ay abuuryso khilaaf Diimeed oo aan jirin.

ALLAA MAHAD LEH

Liiska Culimadda war saxaafadeedka qabatay ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland

1 sh. Axmed  Dhinbiil Guuleed

2 sh. c/ Raxmaan Sh Faarax Cumer

3 Sh. Yuusuf Cabdi Xoore

4 Sh. C/ Raxmaan Xasan Yuusuf

5 Sh.Maxamed Ismaaciil Khayre [ sheikh libaax]

6. Sh .Maxamed Macalin Aden

7 Sh .Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf

8 Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA CULIMADA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DiintaiyoAwqaafta(1).mp3″]

Comments are closed