Hargeysa June 05,2013 (SDN/Hubaal) Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo dhawaan kaga qayb-galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo shirkii qaadhaan ururinta Soomaaliya ee isna ka qabsoomay magaalada London 7dii Bishii May 2013ka. Ee ina dhaaftay ayaa Sidaad warqada hoos ku lifaaqan ka arki doontaan Wasiirku waxa uu warqad u kala diray shirkadaha waawayn ee laga leeyahay Somaliland iyo rugta ganacsiga Somaliland bishii hore ee MEEY 25keedii, kuna wargeliyay inaanay ka qayb-gelin shir maalgashi oo uu sheegay inay dawlada Soomaaliya gadhwadeen ka tahay kana dhici doona magaalada Nairobi, Kenya.
Laba maalmood ka dibna wuxuu Wasiirku u duulay dalka Kenya isagoo warbaahinta ku wargeliyay inuu halkaa u tegayo sidii uu Qaramada Midoobay ugala soo xaajoon lahaa arrimo ay ka mid tahay arrinka duulimaadyada QM ee dawlada Somaliland hakisay iyo khilaafka ku saabsan arrintaas ee soo kala dhex-galay haayada duulimaadyada u qaabilsan QM (ICAO) iyo dawlada Somaliland. Waxaase dad badani markiiba is-waydiiyeen oo taloow maye masuuliyiintii Wasaarada Duulista Hawadu, mise wax kalaa jira IWM.
Wixii intaasi ka dambeeyay waynu ka dheregsanahay wixii dhacay iyo ficiladii fajaca, amakaaga iyo afkala-qaadka ku noqday shacabka reer Somaliland, waana warkii ugu hadal-haynta badnaa todobaadkan dhamaadka ah. Waxaana kuu soo bixi doona su’aalo aad u faro badan marka aad akhrido warqadan uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ganacsatada u kala diray iyo ficilka lidiga ku ah ee uu ku dhaqaaqay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
