Hargaysa 03.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, ayaa ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in looga fadhiyo sidii ay dhalinyarada u jihayn lahayd oo, isla markaana ugu jeedi lahayd waddo mustaqbal wanaagsan leh.
Dhoolayare waxa uu ku eedeeyey Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland inay tahli kariwayday inay qabato Ciyaarihii Gobolada Somaliland.
Aadan Dhoolayare waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiida Facebook-ga, waxaanu u dhignaa sidan:
“Waa maqaal ku saabsan,dhalinyarada maanta iyo xaalada ay ku sugan yihiin. Xaalka dhalinyarada waxay u muuqata mid aanay ku niyad samayn mustaqbalkooda. Hadaba haddii aan isku dayo bal inaan wax ka sheego arimaha ugu waa-weyn ee sababta u ah inay dhalinyaro badani ku kaceen rabshado iyo akhlaaq xumo ay dhexdooda isku laayaan dadkana boobaan,islamarkaana waxay samaysteen kooxo gaar gaar ah oo iska soo horjeeda weliba si xun bay isu dilaan.
Doorka waalidka iyo macalinka isguulku ku leeyihiin dhibaatooyinka ay gaystaan.Waalidka badankoodu waxaynu ognahay inaanay la socon xaalada ay ku sugan yihiin caruurtoodu sababtoo ah aabaha iyo hooyaduba waxay ku mashquul san yihiin nolol maalimoodka oo aanay guriga iyo xaalkoodaba war u ahayn.
Dhinaca macalinka iyo manhajka waxbarashada waxa ka maqan maadadaha wadaniyada iyo adaabta iyo in loo sheego anshaxa wanaagsan waxaad mooda macalimiinta iyo dugsiiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladuba in loo samaystay in laga macaasho ama laga xoogsado oo keliya dhakhsana looga taajiro waxaa isbedelay markii la waayay kaalinti dawlada ee dabagalka ardayda iyo sida ay wax u bartaan in laga dhigto shaqo oo aan la eegin ardayga iyo waxbarashadiisa laakiin la eego oo qudha maxa lacag laga qaada ardayga iyo macashka laga helo ila jaamacadaha oo lagu xisaabtamo dakhliga ka soo gala ardayda oo aan cidiba danayn qiimaynta ardayga cidina ma dhacdo waayo haddi ardayga la qiimeeyo oo uu imtixaanka dhaco waxa lagu canaanta macalinka yaanu dhicin ama darajo hoose helin ardaygu haddi kale waxa uu tegaya dugsi kale ama jaamacad kale sidaana waxa isku dhimaya dakhligooda sidaasi darteed ardaygu lama qiimeeyo mustaqbalkiisa.
Dhinaca dawlada manahajkeenu maaha wax isku mid ah mana laha in ardayga salka laga soo dhiso waxa ka maqan maadada wadaniyada,alcaabta waxa kale oo ka sii daran macalimiinta oo aan helin tababar ay u baahan yihiin. Dhinaca wasaarada ciyaaraha waxaynu ognahay inaanay wasaaradu u diyaarin dhalinyarada nidaamki xilli ciyaareed u qaybsan kolba in la ciyaaro heer heer. Waxaa tusaale inoogu filan in Somalia oo aynu ka warabno dhibaatooyinka iyo dagaalada wakhtiga dheer ku habsday hadana waxa ka socda ciyaaraha heer walba oo loo qabto si la yaab leh.Waxaynu ka qabna inay ciyaaruhu yihiin maaweeloyinka ugu wanaagsan ee lagu mashquuliyo dhalinyarada.
Layaab waxay wasaarada ciyaaruhu u qaban kari weyday ciyaarihii gobalada oo aynu ogayn ciyaarihi gobalada ee u dambeeyay ceebti ka dhacday ee qabyaalad la dhex dhigay dhalinyaradii. Waxaa waxaas oo dhanan ka daran Ururki dhalinyaradu ku bahooday ee Sonyo oo la kala qaybiyay wasiiradina la kala safteen labadi garab oo tahli kari waayay inay isugu yeedhaan labada garab oo walaaleeyaan balse ay wasiiro iyo masuuliyin kaleba ka qayb galeen xaflad garab ah oo ay ka maarmeen garabkii kale ee dhalinyarada waa wax lagu qoslo inay garab la saftaan sidaana dhalinyaradii lagu qaybiyo oo laga maarmay qaar.
Waa tamar yaraanta iyo xilkasnimo daro xilki uu madaxwynuhu ugu dhiibay umadda inay ku kala qaybiyaan dhalinyarada.Dhinaca bilayska waxaa weli inaga maqan nidaamkii bilaysnimo ee rabshadaha loo maarayn jiray taas oo xabado nool loo adeegsado kala dirista ciyaalka rabshadaha sameeya,halka ay ka maqan tahay in loo adeegsado dhar cad soo ogaata halka ay ku sugan yihiin rabshad walayaasho loona maareeyo nidaam wanaagsan oo ciyaalka wax loogu sheego,wixii loo maaro waayana wax ka bedelan xabad lala dhex cararo xaafadaha iyo ciyaalka inaga socon mayso.
Xaalku si kastaba ha ahaade waxa xukuumada looga fadhiya in dhalinyarada loo sameeyo wax qabad iyo sidii looga bedeli laha loona jeexo wado leh mustaqbal iyo sidii loogu samayn laha ciyaaro,garoomo iyo nidaam dawladaysan oo lagu kala saaro marka muran dhex yimaado.Waxaan u mahad naqaya Xasan Waraaba cadde oo ah nin ku suntan wadaninimo kuna dadaala sidii dhalinyarada ugu dhiirin laha inay ciyaaraha bartaan waana ninkii u horeeyay ee u sameeya garoomo goglan oo cagaar ah.”
