Hargaysa 09.July (SDN) Agaasimaha Waaxda Samafalka ee wasaaradda dib u dejinta Md siciid cabdi gaboobe ayaa maanta ka warbixiyey qaabka ay wasaarad ahaan u maareeyaan deeqaha guud ee dadka danyarta ah la gaadhsiinayo.
Agaasimaha oo u waramayey Shabkada Qurbejoog.com ayaa sheegay in inta badan deeqaha noocaas ah ee dalka yimaaddaa ay ka soo gaadhaan Wadamada Turkiga iyo carabaha, halka sidoo kalena deeqaha qaarkood ay soo diraan Jaaliyadda Somaliland ee dalka dibadiisa ku dhaqan iyagoo kaga qayb qaata qorshayaasha ku aaddansida loo yaraynayo ama loo dhimayo baahiyaha kala duwan ee dhinaca bani’aadanimada.
Md gaboobe oo ka hadlayey qaabka ay deeqahaasi u gaadhsiiyaan dadkii loogu talo galay waxa uu tilmaamay inay wasaarad ahaan marka hore diiwaangeliyaan dadka danyarta ah iyagoo kaashanaya maamulada heer Gobol iyo Degmo ee Dalka oo dhan.
Dhanka kalena Agaasimuhu waxa uu baaq u jeediyey dadka reer somaliland ee Gudaha iyo Debada iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ahba inay sii wadaan kaalmada ay u fidiyaan dadka danyarta ah ee Reer Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
