Uncategorized

Madaxweynaha Milaterigu talada u dhaariyay oo magacaabay Raysul-wasaare kumeel-gaadh ah iyo Madaxweyne ku-xigeen

Qaahira July 9, 2013 (SDN)- Madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee ay magacaabeen Milateriga afgambiga ka sameeyay dalka Masar, ayaa goor dhawayd Raysul-wasaare u magacaabay Mr Hazem ElBeblawi.

Madaxweyne Cadli Mansoor oo talada qabtay kadib afgambiga lagu sameeyay Madaxweynihii sida xorta ah loo doortay Mohamed Mursi, waxa uu Mr. Hasim al-Beblawi u magacaabay inuu noqdo Raysul-wasaaraha dawlad hoggaamisa doorashooyinka cusub ee uu ku baaqay, una shaqaysa soo celinta dhaqaalaha wiiqmay ee dalka qalalaasuhu ka ooganyahay ee Masar.

Interim PM Hazem el-BeblawiDr. Hazem ElBeblawi waxa uu ku soo shaqeeyay Wasiirkii Maaliyadda sanadkii 2011 muddadii kala-guurka ahayd, kadib kacdoonkii lagu riday hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay Masar, Maxamed Xusni Mubarak, kahor intii aanu October 2011 iscasilin, kadib markii dilka 26 mudaharaadeyaal ahaa oo Kiristaanka u badnaa oo ay laayeen ciidamada amniga Masar.

Dhinaca kale, Madaxweyne Cadli Mansuur wuxuu magacaabay Dr Mohamed al-Beradici u magacaabay inuu noqdo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, gaar ahaan dhinaca arrimaha dibadda.

Qaahira, SDN