Uncategorized

Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland oo Daboolka ka qaaday in la Joojiyay ku Safarka Basaborka Somalia ee Green Passport

Hargaysa 09.July (SDN) Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in la Joojiyay Isticimaalka Baasaborkii hore ee Somalia ee Green Passport,oo  ay horena u Joojisay Isticmaalkiisa Dawlada Somalia .

Warsaxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Axmed Dalal Faarax ayaa u dhignaa Sidan:-

Anigoo tixraacaya Warqada ka soo baxday Xafiiska taliyaha Waaxda Socdaalka qaranka laguna lifaaqay amar ka soo baxay Wasiirka arrimaha isla markaana ay Ujeedadeedu tahay in la dhaqan geliyo Go’aankii Joojinta Baasaboorkii hore ee Somalia .

Waxa uu Agaasimaha Guud amar ku bixiyay in Cid kasta oo ay Khusayso Wareegtadani  ay la socdaan in la joojiyay Basaboorkaas,isagoo Xusay inay ka filayaan in Shirkadaha Duulimaadyadu ay ka Gacan Siiyaan Waaxda Socdaalka Qaranka Gudashada hawshooda, si aanay Diyaaraduhu u soo qaadin qof sita baasaboorkaas, warku waxa uu Intaas ku darayaa in amarkan aanay ku jirin dadka Somaliland ee ka Shaqeeya dalalka Imaaraadka ee Degenaansho amase Ciqaamadaha ugu yaalaan inta aanay bedelin baasaboorkooda.

Basaboorka Green Passport oo ka wada dhexeeyay Somaliland iyo Somalia ayaa Mudooyinkii u danbeeyay Saaxada Duulimaadyada ka maqnaa iyadoo taas badalkeedana ay dad badani ku dhoofi jireen Basaboorka Somalia ee Xilligii C.laahi Yuusuf la sameeyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com