Hargaysa 09.July (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SILAANYO ayaa saaka subanimadii hore waxa uu u baxay kormeer shaqo oo kedis ah oo uu ku tegay Dawlada hoose ee caasimada hargeysa halkaas oo uu kula kulmay Maayarka Caasimada iyo maayar ku xigeenka oo ku jira hawlohooda shaqo ee caadiga ah
Maayarka Caasimada Hargaysa Mudane C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay Hawl qabadka Dawlada Hoose iyo Sida ay u fuliso Adeega ay Bulshada u Hayso.
Kormeerka Madaxweynaha oo ahaa mid aanay ka war hayn Bulshada iyo Hay’adaha kala Duwan ee Dalku waxa ku wehelinaayey Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane Cali Axmed Cali, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gen Faysal Kaamil Ciise iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Cabdiaahi Fadal Imaan
kormeerkan oo ahaa mid aanu madaxweynuhu wadan wax ilaalo ah ama sidii looga bartay baabuurta khaas ka ah ee Madaxweynaha ayaa ahaa mid bulshadu aanay ka filayn madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynuhu hay’adaha dawlada ee uu Kormeerka Ku soo Maray Gegida Diyaaradaha ee Egal Airport oo beryahaaba ay ka socotay hawl dib u habayn loogu samaynaayo Runway ga Garoonka oo hada gebegebo ku dhaw.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu soo maray Xarunta Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta isagoo halkaasi kula kulmay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo Madaxweynaha u sharaxay Shaqada Wasaaradu sida ay tahay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com










