Hargeisa 03.Nov 2013(SDN)-Hanti dhawraha Guud Ee Qaranka ayaa Saaka Ku Waa Bariistay xarunta wasaarada warfaafinta ,Halkaasi Oo Baryihii Ugu dambeeyay u Ka socday Musuq maasuq Aan Loo Aabo Yeelin.
Galitaankan Hanti dhawraha Guuud Ayaa Waxay ka dambaysay Markii Uu Wasiirka wasarada warfaafinta Somaliland Md Cabdilahi Maxmaed Daahir Cukuse Sameeyay Baadhitaan Ka u Ugu Kuur galayo Shaqaalaha ,Halkaasna ay ka soo baxaday shaqale aad u tiro badan oo Ma shaqaystayaal ah iyo Qaar aan Dalkaba Joogin Hadan ka Mushahar badan Kuwa shaqeeya 24ka saacadood,Isla markaana taasi Galaafatay maareeyihii Qurbajooga ahaa Ee Inta Mudada ah Hantida Qaranka U Isticmaalayay Sifooyin Qaldan Iyo Dad Jeclaysi Wasiirkuna Nidar Ku maray Inanu Ka soo galay Afaafka wasarada warfafinta ,Hantidhawrka Guudna Ku Wargaliyay In Gacanta La galiyo Wasaarada Oo u Badan Dhinaca Tvga Oo Dulmiga Ugu Badani Ka Jiro.
Wasiirka wasarada warfaafinta Ayaa Mudo Gaaban Joogay Wasarada warfaafinta Taasi oo ay uga Soo Horeeyeen Qabqablayal Qurbojoog Ah Oo Ku Mumay Hantida Maxasta ,Cashuuraha Laga Qaado Hooyada Suuqa Ku Iibisa Labada Xabo Ee Tamandhada ah Ama Muuska ah ,Isla Markaan Wixii ka soo baxa Tiga qaranka Lagu maamusi Jiray Dad Ay qurbaha ka wada Yimaadeen Oo Ka dhacsan Nolosha Dhabta Ah hiila Mooday Inay La Dhuuqaan Hantida Maalin iyo Habeen U Taagan yihiin shaqaaale ILahay Samir iyo dulqaad siiyay.
Shaqaale waynaha wasarada warfaafinta ayaa soo dhaweeeyay markay indhohooda ku arkeen Hiilka Uu la garabtaagan yahay wasiirka wasarada warfaafinta cabdilaahi cukuse Oo ah Nin Ilahay Hibo u siiyay Inuu Ka dulmana U Hadlo ka kalena Runta U sheego.
Hargaysa SDN,
Qurbejoog.com
