Uncategorized

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada adduunka oo hargaysa lagu qabtay iyo Madaxweynaha oo ka qayb galay

Hargaysa 03.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jsl. Md. Axmed Maxamed Maxamuud  ayaa maanta ka qaybgalay  munaasabad  balaadhan oo dalada ururada Naafada ee somaliland kaga qayb qaadanayaan xuska maalinta  naafada aduunka oo lagu qabtay magaalada Hargaysa ,  taas oo ay ka  qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha wasiirada ,xildhibaano, madaxda ururada naafada , hay’daha la shaqeeya iyo martisharaf kale.

Gudoomiyaha  Dalada ay ku midoobeen ururada naafada ee somaliland Md.Mukhtaar Cismaan muxumed ayaa sheegay in daladan oo la aasaasay sanadkii 2004tii. Waxaana uu tilmaamay in dadka naafada ahi yihiin dad waxqabsan kara balse u baahan in bulshadoodu gacan siiso , waxaana uu soo jeediyay in  wax lagala qabto baahiyaha gaarka ah ee dadka naafada ahi leeyihiin. Gudoomiyaha dalada ururada  Naafada ee somaliland waxa uu ku amaanay xukuumada dadaalkeeda ku wajahan wax la qabashada dadka Naafada ah isaga oo xusay in madaxweynuhu  xafiiskiisa ku nqaabilay xubno ururadooda ka socday isagoo dhinaca kalana Madaxweynaha uga mahad naqay mootooyinka dadka naafada ah oo uu ugu deeqay  isla markaana ay wasaarada shaqada iyo arimuhu bulshadu u magacawday agaasime u gaar ah arimaha Naafada. .

Gudoomiyaha dalada ururada  naafada Md.. Mukhtaar waxa uu u jeediyay  xukuumada in ay  dajiso i siyaasad cad oo la xidhiidha wada shaqaynta ay la leeyihiin   dalada.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo Arimaha bulshada md. Maxamuud axmed Bare garaad oo isna munaasabadsa maalinta naafada aduunka ka hadlay ayaa   sheegay in dastuurka dalku damaanad qaadayo sinaanta xuquuqda muwaadiniinta kaas oo ka tarjumaya wax ka qabashada duruufaha gaarka ah ee dadka naafada ioyo daryeelkooda . wasiirku waxa uu soo jeediya in la sameeyo kooto muwaadiniinta naafada ahi kaga qaybgali karaan siyaasada dalka. Wasiirka wasaarada madaxtooyada ayaa isna munaasabadaas  ayaa sheegay in Naafada dalku yihiin qaybta ugu nugul bulshada  isla amrkaana uu madaxweynahu  ka jawaabay  dalabkoodii    dhinaca qalabka baahiyahooda ee soo gaadhay.

Madaxweynaha j s l mudane axmed maxamed maxamuud [ siilaanyo] oo gabagabdii munaasibadaasi  ka hadlay ayaa sheegay in xukuumad ahaan xil ka saaran yahay naafada dalka , ka warqabkooda  iyo daryeelkoodaba waxaanu madaxweynuhu sheegay in xuska  maalinta naafdu uu yahay mid mudan in la qiimeeyo doorka ay bulshada ku leeyihiin.

Madaweynuhu waxa uu sheegay in xukuumad ahaan wixii itaalkooda  ah aanay waxba kala hadhayn wax u qabashada dadka naafada ah .

Gabagabadii waxa madaxweynuhu  xaflada ku gudoonsiiyay xubno ka mida naafda dalka gaadiidka mootooyinka ah ee ay ku socdaan dadka naafada ahi.

IMG_0009 IMG_0010 IMG_0030 IMG_0032 IMG_0051 IMG_7309 IMG_7320 IMG_7325 IMG_7332 IMG_7336 IMG_7346 IMG_7359 IMG_7380 IMG_7391 IMG_7404 IMG_7412 IMG_7421 IMG_7432 IMG_7456 IMG_7485 IMG_7488 IMG_7498

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com