|

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Deegaanka Xaaji Saalax

Xaaji Saalax 28.Feb 2014 (SDN)- Xubno Wasiirro ah oo u kicitimay shalay degmada Xaaji Saalax,ayaa sheegay inay amar ku siiyeen beesha ay ka soo jeedaan koox dablay ah oo toogasho ku dilay taliyihii booliska degmada Xaaji Saalaxe ee gobolka Daad-madheedh  Hurre Sahal inay sida ugu dhakhsaha badan u soo qabtaan kooxdaas dambiileyaasha ah haddii ay keeni waayaanna ay dawladdu tallaabo ka qaadi doonto.

Cali WarancadeeeMaayerka Degmada Xaaji Saalax  Khadar Cabdi Oday oo ay kulan wada qaateen xubnaha golaha Wasiirrada ee socdaalka ku tegay degmada Xaaji Saalax,ayaa sheegay inay kulanka Wasiirrada iyo waxgaradka Xaaji Saalax wada Qaateen isla markaana ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa ammaanka iyo nabadda oo ah ta lagu wada deggen yahay iyo in Dawladda laga war sugo oo aan dilka Taliyuhu fidno kale dhalin ama aanay beeshu wax aar gudasho ah ku kicin.

Maayerka degmada Xaaji Saalax, Waxa kale oo uu intaa ku daray in Wasiirradu ballan qaadeen inay gacanta ku soo dhigayso dawladdu kooxdii dilka taliyaha geysatay meel kasta oo ay tagaanna aan laga hadhayn.

“Wasiireadu waxay kulan la yeesheen waxgaradka,cuqaasha iyo odayaasha degmada  Xaaji Saalax waxaanay yidhaahdeen marka hore waxaanu idiinku nimi inaan idinkala qayb qaadanno tacsida taliyaha qaranka ka dhintay ee beel ahaanna idinka dhashay,intaa ka dib waxaa kale oo aan idiin ballan qaadaynaa dawlad ahaan in aanaan ka hadhayn isla markaana aanu gacanta ku soo dhigayno kooxdaa dambiileyaasha ah ee fulisay dilka Taliyihii booliska ee degmada Xaaji Saalax,intaa waxay ku dareen Wasiirradu in beesha uu ka dhashay Taliyaha geeriyooday Hurre Sahal inay dawladdooda ku kalsoonaato isla arkaana ay ka war sugto inta ay ku jirto hawl galkii bilaabmay markii falkaasi dhacay oo wali socda isla markaana aan la joojinayn illaa la soo qabto gacan ku-dhiiglaha,”ayuu yidhi Maayarka degmada Xaaji Saalax.

Xaaji Saalax SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed