|

Wasiirada warfaafinta arimaha dibada arimaha gudaha hanbalayo ayey mudan yihiin + isbarbar dhiga kuwi hore kuwan hada waa lixda wasiire + Faalo Wariye khadar bitijoor!!!!

(KampalaSDN) Marka ugu horeysa waxaanu idinku salaamayna salaanta islaamka asc wr wb ,hadaan uu daadago qormadeenan iskugu jirta hanbalayada iyo sababta hanbalyada ku mutaysteen saddexadan wasiiir ee kala ah, wasiirka arimaha dibada wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo wasiirka arimaha gudaha Md ali mohamed waran cade oo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Isku shaan-dheynta uu ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, kaas oo lagu sheegay warsaxafadeed ka soo baxay habeeno ka hor niskii danbe madaxtooyada Somaliland oo ay saddexdan masuulna ka mid ahaayen.

Hadabo qiimayntan oo aan wasiirkastaba ama wasaarad walba siday ahyd magacowga masuulka ka hor aan ku saari doono fogoska aan ku bilowno wasiirka warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) marka hore wasiir hanbalyo ilhy xilka lagu dhiibay ha ku fududeeyo ha kugu asturo madaxweynaha Md ahmed mohamed mohamud (silaanyo) waxaan leyhy Md madaxweyne waad asiibtay .

Waa maxay shaqada Wasaarada Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland

Wasaarada warfaafinta jamhuriyada somaliland waa wasaarad balaadhan oo qaranaka uu haysa arimo dhowr ah,sida inay ku hadasho afka dowlada inay difaacdo dalka jamhuuriyada somaliland inay isku xidhaan shacabka iyo xukumaada iyo inay gudbiso barnaamijta dowlada inay horumar ku samayso baahinta iyo farsamada aaladaha la iska daawado ama la dhagayso ee xukumaadu leedahay inay horumariso ,sida tvga dowlada iyo radio aladaha afka dowlada ku baxa ,waana wasaarad kulmisa dhamaan warbaahinta somaliland haday thy kuwa afka xukumada iyo kuwa gaarka loo leeyhy oo ay xidhiidh fiican la samayso.

Intaynaan ku daadagin sababta hanbalyada ku mutay wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta aan qiimayn kooban ku samayno arimaha kor ku xusan iyo wasaaradau sideebay isku ahaayen ma mid buuxisay ahayd mise mid faashil ka tagnayd bay ahayd ?.

Maya weeye jawaabtu inoo soo baxaysa Wasaarada Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland intii xukumaada hada talada dalka haysa kamay soo bixin doorki ay lahayd oo mar walba waxa jiaray guux dhexdeeda ah iyo muran gaadhay meel xun aan qodabeeyo hadabo sababha fashilka ay ku ahyd

1: Wasaraada oo ku fashilantay inay horumar muuqda ku samayso bahiyaha gudaheeda qalabka ay ku shaqayso sida mashiinada iyo qalabka baahinta iyo war lalinta oo aad uu liitay oo hawda ka baxbaxi jiray marar badan laga dareemay aduunka dalacadiisa .

2: xidhiidhka ay wasaaradu la lahayd saxafada madaxa banaan oo la odhan karo waxa uu haa mid aad iyo aad uu liitay ,oo waxay wasaaradu xalin kari weyday qaabki ay xukumaad iyo saxafada iskugu soo dhaweyn lahayd saxafada madaxa banaan oo dalka ka soo saarty meel aad uu hooseysa saxafada somaliland oo ay gadhsiiyeen meel aad saraysa waan hayad afraad ee somaliland ugu sarayso mudana in la qiimeeyo aan dhicin.

3: Wasaarada oo la odhan karo faashil bay ku ahayd inaanayn wax siminaar ah oo ay uu furty inaanay jirin xaata aqoontooda wariyasha lagu kaabayo waxaas oo dhaliila oo dul hoganaaya wasaarada ,waa wax wali jira hadii ay sii socoto kala daadsanaata jirtaaan waxa xumaan doon ama cirka isku sii shareeri doona xurgufta uu dhaxaysa xukumada talada haysa iyo warbaahinta madaxa banaaan.

4: Waxa jirtay oon la dafiri karin in wariyaashi mudada dheer ka soo shaqaynayey hayadaha war baahineed ee xukumadu gacanta ku hayso oo lacaydhiyey sifo aan sharciga wafaqsanayn oo uu uu danbeyey abiib imaan xasan in badan ka howlgalayey tvga qaranka iyo radio hargaysa ,waxa kale oo biyo kama dhibcaan ah in dad kale oo abwaano ah oo siyaabo kala duwan uga howl gali jiray warbaahinta xukumada in lagu xad gudbay waan waxyaabah ilaa hada jira mudan in wasiirka cusub ee hada loo magacaabay wax ka badali doono dad badan oon ka mid ahyna qabaan.

5: Lama soo koobi karo lkn waa iga xasuusin uun hadabo tan iyo xukumadi kala danbeyey somaliland soo maray marnaba may dhicin in malin kaliya la xidhi wariyaal gadhaya 100!!! 20 hablo yihiin,waa waxyaabah mudan in la saxo oo xidhiidhka garoonkiisa ay xaadho wasaarada war faafinta iyo wasiirka cusubi insha alaah.

6:Waxa dhacday oo uba danbeysay arinki inagu ceebta ahaa ku dhacay wargayska madaxa banaan hubaal oo habeen la weeraray iyago gudanaaya mihnadooda saxafadeed waliba halka loogu gaystya masuulinta hubaal gacana laga jabiyey ,waxaan la odhan kara waa mid uu ka gaabiyey wasiirki hore warfaafinu sixina kari wayey xidhiidh wanaagsan dhex mara saxafada madaxa banan iyo xukumaada .

Hadii aan hadabo hoos ugu daadago xogta kooban mise ku guulaysty masuulki hore mise waa ku fashilmay ,

ka dib aan cadeeyo wasiirka warfafainta hada la magacabay sababta aan ku siiyey hanbalyada daraasada badan awadeed .

1: Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ah shaqsi fahmi kara dareemi kara muujin kara lehna waaayo aragnimadeedi ahna saxafi in mudo ah ka soo howl galayey hayadadaha warbaahineed dalka jamhuriyada somaliland waana masuul aqoonteedi jamacadeedna huwan kana soo baxay jamacada gahayr university ,waxanu garanaya maraxailki ay soo martay warbaahinta somaliland ilaa min bilow ilaa hada ,waxanu uu layahay saxafada saxiib uu dhow iyo xaga saxafada oo aad loo soo dhaweyey dhamaan warbaahinta somaliland oo dhan gude iyo dabadba haday tahay .

2: Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waa mudan isku soo dhaweyn doona wanaajina doona xidhiidhka ka dhaxayn doona xukumaada iyo warbaahinta oo aan hada fiicnayn,mudane wasiir adigo aqoontaad iyo waayo aragnimada gaarka ah adeegsanay waxaanu ka codsanayna hadaanu nahy saxaafada isku xidh same

dhan walba uu dana xidhiidh wanaagsan.

Waanu mudan yhy in la hanbalyeyo wasiirka cusub Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) hanbalyo mudane wasiir.

Hadii aan inta ku dhaafo wasaarada warfafainta Jam S.land wasiirkeeda oo dardaran ahaan leyhy mudane wasiir waa inaad isku yeedha kulan hadhimo ah dhmaan hayadaha warbaahineed ku lafa gurtaan arimo badan oo jira siday meesha uga bixi lahayeen intaasina waa iga dardaaran .

Hadana aan ku xigsiino wasarada arimaha dibada somalialnd

Waa maxay shaqada ay wasaarada arimaha dibadu uu hayso qaranka jamhuuriyada somaliland

1: Wasaaradani waa wasaarad ah wasaardaha ugu tunka culus waan mid aad uu sal baladhan ahna muraayada somaliland laga dheehan karo,waxanay raadisa am aan ka daalin oo heer dublamasiyadeed iyo xidhiidh calamiyaba uu xil saran thay dowlada somaliland inay ka midho dhaliso himaladfeeda kobaad oo ah inana beesha caalamka aan ka helno ictiraaaf biladam walow aan hayno kii ilhay .

2: Wasaaradani waxay qaranka uga qayb qaadata arimaha dibada oo dhan waa wasaarad siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahan ba qaranka uga wakiil ah arimaha dibada .

3: Waa wasaarad inooga shaqaysa sidi ay uu balaadhin lahayd arimaha dibada qaranka jamhuriyadda somaliland sidi ay meel walb aga furi lahyd wax kasto somaliland uu dana dal walba walow xafiisna ha ahaade.

4: Waa wasaarad ilaalisa milgaha iyo sharafta iyo qaranimad ay umada somaliland leedahay iibna gaysa iyo waxyaabo badan oo kale oo anay inoo samaxayn inana hada sii wadno .

Hadabo masuulki hore wasaarada arimaha dibadu ma ku guulaysty arinkan xogta kooban mise waa ku fashilmay.

Hadii aan hoos ugu daadagno arinkan jawaabtu waa maya waa ku fashilmay akhristayaal sida mankiina ku haysan balse aniga waxan uu soo qadanaya tusalayaal cadcad,waxaan ka mid ah sidan

1: Wasaaradan oo marki uu wasiirki hore hada xilka laga wareejiyey xilka qabtay ay ku timid hoos uu dhac aan waliogeed soo marin somaliland ,faashil dhan kasta leh sida isago wasiirki hore markiiba sutida uu qabtay dadki ajaanibka aha ee xukumadi rayaale kala shaqayn jiray arimaha ictiraaf raadinta oo meesha ka saaray .

2: wasiirka oo aan mrrnaba la tashan jirin siyaasiinta ruug cadaaga ah ceeba uu yaqaanay maxaad igu kordhinaysaan,isgao sharafti iyo karamadi ay wasaaradani lahayd meel xun dhigay oo waliba ay uu danbaysay isago hadhsanaya calanki somalia goobtuna waxay ahyd nayrobi kinya shirki ganacsiga shirkadaha somalia.

3: Waayo aragnimo badan oo aan jirin dhamaan xafiisyadi somaliland ee qurbaha ka howl gali jiray ama wakiiladi oo uu gacantiisa ku baabiyey iskan xidhmeen marki masuuliyiinti shaqad hayye ay wayeen cid ay la hadalan ama la shaqaysa .

Si badin maayo qoro kooban iyo tsumo ayey ahyd hadabo intaas oo dhan aya waxa hubaal ah waxa meesha ka saari doona masuulka cuusb ee hada la magacabay wasaaradan muga weyn lkn shaqsi isku koobay

Hadabo waxaan iidin cadaynaya sababta uu mutaya ina la hanbalyeyo wasiirka arimaha dibada ee cuusb oo ah masuul 25 sano ka soo shaqaynayey qaramad midobay xidhiidhka caalamiga ah

waana tan ee ila eeg mudane wasiir marka hore hanbalyo ilhyna xilka ha kugu asturo waxaan ka mid aha arimaha uu gaarka uu leyhy masuulkani sida tan .

1:waaa masuul xilal badan oo kala duwan ka soo qabtay qaramada midoobay waana masuul ku xidhan madax badan oo beesha caalamak ah wax badana k abadali doona arimaha uu wasiirka hore cidlada iyo ayda jiqda ah kula anbaday .

2: waa masuul ay bulshada somaliland ee adroosta siyaasada arimaha dibadu ay aad uu majeerayanayan in goorti ugu haboonayd waliba masuulki ugu haboona ay hada isla jaan qaadi doonaan,waxa wayna uu ku soo kordhin doono wasiirka cusubi.

3: Waa masuul ay khibradiisa iyo waayo aragnimadiisab uu adeegsan kara kana midho dhalin kara isago xidhiidhka caalamigana ka soo shaqaynayey noloshiisa badh waxaan wasiir kun leyhy hanbalyo ilhay xilka ha kugu asturo,

Dardaaran hadaan wasiir waxaan kugula dardaraanmaya inaad ka dhigto siyaasada arimaha dibada ee qaranka mid meel walba gaadha oo aan xidh xidhnayn sidi hada masuulki ka horeyey gaadhiga uu waday ,waa inaad abuurta mudane adiga oo fahmi kara inaad marka hore dardar galisa arimaha dibada sidaad uu dhisi lahayd xafiisyada yurub america africaba oo ana shaqayn fadhiistay fadhiidhna inaga noqday iyo sumacada iyo karamada somaliland goob kasta kor uu hayso ilhyna ha kugu garab galo .

Hadana aan ku xigsiino wasaarada arimaha gudaha

Waa maxay shaqada ay qaranka uu haysa Wasaarada arimaha guduhu

Hadabo akhristayaal intaynaan uu daadagin sababta uu ku mutay wasiirku habeeno ka hor loo magcaabay wasaarada arimaha gudaha Md ali mohamed waran cade oo ah halyey qaran oo xukumaadi kala duwaan la soo shaqeyey xilaal kala gadisan ka soo qabtay laguna yaqaano shaqsi karti wax qabad leh ,aan ku horeeyo wasaarada iyo shaqadeeda ma ku fashilmatay masulkan hada loo magacabay ka hor mise waa ku guulaysaty ?!

Wasaarada arimaha gudaha aya ah wasaarad balaadhan oo qaranka jamhuriyada somaliland ugu jirta kaalin mug leh iyo baaxadba, waa wasaarad ka shaqaysa dhmaan wixi arimo gude khuseeya xag amaan xag istirajiyadeed dhan walba waa wasaarad ku shuqul leh arimaha qaranka , dhan walba leh waan wasaarada ugu shaqada badan uguna hadal haynta badan dalka gudihiisa waa wasaarad xasaasi ah badaan arimo badan dabada ku haysa waa wasaarad wasiirkeeda iyo shaqaalaheedu aay inyar seexdan habeenki malin hadalkeeda daayo.

Hadabo inta aan kor ku soo xusay ma ku guulaysatay masullkii hore mise waa ku faashiilmay

Akhristayaal jawaabta kolay maankiina ku soo dhacaysa waa maya aniga wax qoraayana waa maya ayaan leyhy waa ku fashiltay waan qodobaynaya hoos ilaa soco waxa ka mid ah sidan .

1: Wasaarada arimaha gudaha oo masuulkeedi hore gabi ahaanba waa ku fashilmay shaqaday lahayd wasaaradani isaga iyo masuuliyinti ka horeyeysay sababo jiray awgood xukumadan uu madaxweynaha ka yhy Md madaxweyne siilaanyo waa ku ceeb diwaanka uu gashay ah!!!

2: Waxa dhacday xukumaada Md madaxweyne silaanyo oo mudo yar jirty in laga war helay ciidan onlf ah hubaysan gudaha somaliland dhex tooraynaya midaas oo la odhan karo waxa ku fashilmay wasaarada ahaan midaas waxaan uu leyhy waa ka qayb wasaradu arimaha ciidan iyo howlo badan kale .

3: Sida jirta wasaarada oo qancin kari weyday arimo badan oo iayada loogu soo hagaago sida dilaalka ka dhax somaliland sida magaha iyo xalinta khilaafaadka muwaadiinta ku baxda gacanta xukumada oo iyadu xilsaaran thy murug wayni ka tagan thy hadan waa jirta lkn wasiirka cuusb aya aloog ahan wwyn yhy inuu howlo badan ka badalo insh alaah.

4: Waxay ahayd wasaarad kaba war hayn arimo badan iyadu lahayd iskaba daa gobol kale caasimada shanteeda dagmo ayye arimo ay iyadu lahayd ka gaabisay hadan waa wax jira in wax laga badalana uu baahan .

5: Waxa iyana jirta in waaaya aragnimada masuulku ay ku xidhan thy sida uu wax uu qabanayo midaaasina mabay jirin wasiirka hada loo dhibay wasaarada aya la odha kara waa masuul inbadan wax ka fahmi kara khibrad iyo waayo aragnimana uu leh.

Hadabo hadii aan inta ku soo koobo xogta kooban ee aan ka sameyey wasaarada arimaha gudaha bal aan uu daadagno sidaan hanbalyada ku mutaystay wasiirka cusub arimaha gudaha somaliland Md ali mohamed waran cade

1: Waaa masuul in badan dowladnimada iyo khibrada ku soo dhex jiray garana kara fahmina kara arkina kara waxyaabaha toosinta uu bahaan iyo sida wax looga qaban karo waan masuul ildheer wax ku arka .

2: Waa siyaasi lagu majeerto inuu yaqaan kolba shaqad uu hayo waxaan ka mid ah isago xukumadi kala danbeyey ee somaliland soo mara oo intaba uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay ayaa waxa uu caan ku ahaa laguna xusuusta inu wasaarad kasta oo uu hayo aad uu dhiso wax qabad muuqdana qabto.

Hadabo hadaan inta ka gudbo shaqsiyada wasiirka cusub ali mohamed waran cade oon leyhy mudane wasiir hanbalyo ilhyna ha ku fududeeyo xilkan cusub oo aad wax weyn ka qaban doonto.

Aan kalmada dardaarn ahna ku yidhaahdo mudane kama fursan doonto inaad arimaha gudaha aad xidhiidh fiican la yeelan doonto iyo gudiyada nabad galyada oon filaayo in la baabiyye lkn xag amaanka wax wayn ka ahaa inaad dhisto oo aad la tashi iyo xog waraysi aad la samayso dhamaan qaybaha kala duwan bulshada haday tahay madax dhaqmeed iyo cuqaalba oo amaanka wax wayn ka tari doona,iyo shanta dagmo ama dhmaan gobalada somaliland oo dhan aan yidhaahdo inaad xidhiidh fiican la samaysan dadka elderskeeda ah waana iga talo .

khadarbitijoor@hotmail.com

+256791661106

Qore Wariye Khadar bitijoor

OFFICE /UGANDHA/KAMPALA

 

Comments are closed