|

Warbixin ku Saabsan Waayihii Faneed iyo Nololeed ee Marxuumad Maryan Cali Mudey oo ka Mid ahayd Fanaaniintiii Iftin {DHAGAYSO}

London 28.June (SDN) Alle Naxariistiisii Jano ha ugu deeqee Waxaa Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ku Geeriyootay Fanaanadii Caanka ahayd ee Hoboladii  Kooxdii Iftin Marxuumad Maryan Cali Muudeey oo Mudooyinkii u danbeeyay Xanuun loo dhigay Cisbitaalka ay ku Geeriyootay.

Marxuumad Maryan oo ka mid ahayd Foolaadkii Kooxdii Iftin ee dhinaca Wacyigalinta waxaa ka Mid ahaa Heesaha ay ku soo Shaac baxday Heesta Waxbarasho ee Alif la Kordhabay ee uu Curiyay Hal abuur Siciid Saalax Axmed Waxaa kale oo door Muuqda ay kaga Jirtaa Heesta Siirada Taariikhda Ras’uulkeenii Suubaanaa ee Muxamed NNKH ee Ergadii Furqaan taas oo uu allifay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.

Waxaanu halkan idiinku soo Gudbinaynaa Warbixin ay Laanta afka Somaliga ee VOA ka Diyaarisay Geerida Fanaanad Maryan Cali Muudeey.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MARYANALI.mp3″]

London SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed