|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Xaliyay Khilaaf dhinaca sahaminta Shiidaalka oo ka Jiray Deegaanka Sanyare ee Gobolka Togdheer

Burco 31.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Guud Mudane Cali Maxamed Warancade oo ay Weheliyaan Wasiirul dawlayaasha Wasaaradaha Maaliyada iyo ,Waxbarashada,Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maayarka Magaalada Burco Saraakiisha Shirkada Sahaminta Shiidaalka ee Genel Energy iyo  Ciidamada Amaanka ayaa maanta Kormeer hawleed ku tagay Deegaanka Sanyare oo maalmihii u danbeeyay uu ka Jiray Khilaaf ku xidhiidhsan hawsha baadhista Shiidaalka.

Odaygii asxaabtaGudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje oo u waramayay Shabkada Qurbejoog.com ayaa sheegay in Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa Magaalada Burco ay maanta si rasmi ah u soo afjareen is fahmi waaga soo kala dhex galay Shirkada Sahaminta Shiidaalka iyo Bulshada deegaanka Sanyare .

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxa uu Xusay in Sahamintan oo maraysa wejigii labaad ay si dhamaystiran dadka deegaanka iyo shirkadu isula qaateen inaan Sahaminta la marin karrin Meelaha Baraagaha ah,dhismayaasha,iyo Wadooyinka ay bulshadu adeegsato isla markaana lagu wada qancay.

Axmed Cumar Xaaji C.laahi wuxuu u Mahadceliyay dadweynaha ku nool Gobolka oo uu ugu baaqay inay hawshan qaran ee sahaminta Shiidaalka ay u arkaan Talaabo horumarka qaranka qayb ka ah.

Burco SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed