|

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Idaacadda Bbc-da Mar kale ku eedeeyay Dhex dhexaad la’aan & Jawaabta Weriye Axmed Siciid Cige DAAWO

Hargaysa 21. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Mar kale Waxa uu ku eedeeyay Idaacadda BBC-da Gaar ahaan laanteeda afka somaligu inaanay dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Somaliland iyo Somalia.

Wasiir Caddaani ayaa Sheegay in idaacadda BBC-du ay ka masuugto waxqabadka ay ummada Somaliland ku talaabsadeen muddada 27 sanno ah ee ka soo wareegtay Markii Somaliland ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay Madax bannaanideeda.

Hadalkan ayuu Wasiir Cismaan C.laahi Saxardiid ka Sheegay Munaasibad loo sameeyay 60 Sanno Guurada ka soo wareegtay aasaaska idaacadda BBC Gaar ahaan laanteeda afka soomaaliga.

Comments are closed