Uncategorized

Wasiirka Warfaafintu Muxuu ka Yidhi Dhagax dhigida wadada Sanaag iyo Togdheer {DHAGAYSO}

Burco 16.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka Mid ah Xubnaha Weftiga ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland ayaa Sheegay inay farxad tahay in la dhagax dhigo wadada isku xidhaysa Gobolka Sanaag iyo Togdheer oo rafaad ba’an ku haysay dadka iyo Gaadiidkaba .

Wasiirku waxaa kale oo tilmaamay in Safarka Madaxweynuhu ku marayo Gobolada bari aanay Macnaheedu ahayn inuu dalkiisii ka maqan yahay waxaanu hadalkiisu daba joogay Weedho ka soo Yeedhay Hogaanka Sare ee Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka oo shalay sheegay in Madaxweynihii,Ku xigeenkiisii iyo Wasiirka arrimaha Guduhuba ay Caasimada ka maqan yihiin.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Wasiirka Warfaafinta
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CukuseBurco(1).mp3″]

Burco SDN.

Qurbejoog.com