
Hargeisa 8/11/2014(SDN/QJ)Arrimihii uu xisbiga kulmiye ku ololeyn jirey ee Xukumaddiisii guuleysatayna fulisay iyo Qorshaha manta noo yaala mustaqbalka oo aan inshaallah Rajeynaayo in aan ku guleysan doono
1) Waxaanu dhibsan jirnay oo aan u ololayn jirnay Askari aan darajo lahayn . Darajadii waxaa lagu bixiyay 2 sanadood gudahood.
2) Waxaanu dhibsan jirnay oo aan u ololayn jirnay Wadada googo’day ee Dila -Boorama. Waa la dhisay oo la dhameeyay. Muddo kooban.
3) Waxaanu dhibsan jirnay oo aan u ololayn jirnay ,waxa loo dhisi waayay biriijka labaad EE Hargeisa.laba bilood ayaa lagu dhisay.
4) Waxaanu dhibsan jirnay oo aan u ololayn jirnay lacagta giimaarta ah ee 6 sanadood miisaaniyadda lagu daray ee la beddeli waayay. I(Hal)sano ayaa lagu beddelay.
5) waxaanu dhibsan jirnay oo aanu u ololayn jirnay Ganacsiga kootada xoolaha oo Neefkii adhiga ah lacagtiisu ahayd 38 Doolar . Markaan kootada ka qaadnay maanta qiimahiisu waa 90 Doolar
6) Waxaaanu u ololayn jirnay lacag adag oo bananka soo gasha oo Madaxda dawlada 3000 SL. SH ugu sarifto WASAARADDA maaliyadda. Maanta lacagta adag waa lacag adag.
7) Waxaanu u ololayn jirnay xafiisyo aad u foolxun oo la Fadhiyo, lacagtii lagu dhisi lahaa lagu hoos raamsanaayo. Waa la Wada dhisay lacagtiina waa lagu hawlgalay
8) Waxaanu ku ololayn jirnay oo aanu diidanayn in 7.5 doolar MAXJARKU xoolalayda ka qaado.Maanta WAXAA maxjarku qaataa 4:00 Doolar. Oo keliya
9) Waxuu ku ololeyn jiray oo uu nebca siyaasad fadhiid ah oo Arrimaha debadda. Wax la qaaday olole firfircoon oo maanta caalamku Inoo garnaqaayo miiska inagoo laba kala ah inaga iyo Somaliya. Talaabada ku xigtaa waa aqoonsi .
10) Waxuu Kulmiye ku ololayn jiray Maamulka aan lagu fidin Bari. Waxaa la gaadhay BADHAN,dhahar, taleex, xudun, widhwidh, saaxdheer, IYO laascaanood oo nabad iyo horumar lagu maamulo.
11) Waxuu Kulmiye u ololeyn jiray kaabayaasha dhaqaalaha ee dayacnaa. Maanta Wadooyinkii ,Dekadii, Garoomadii diyaaraduhu waa wax dhamaaday IYO wax gacanta lagu hayo.
12) Waxaanu ku ololeyn jirnay oo aan dhibsanjirnay iLmo yar oo dugsiyada hoose lacag laga qaado. Maanta waa bilaash dugsiyada hoose. Macalimiintiina lacag dheeraad ah ayaa loo kordhiyay.
13) Waxaanu ku ololeyn jirnay oo aan dhibsanjirnay mushahar yar waa la seddex jibaaray.
14) Waxaanu ku ololeyn jirey SHAQO ABUUR . Maanta shaqaalihii ahaa 6000 waa 14000
15) Waxaanu ku ololeyn jiray in la furo ururada oo kuwii hore diidanaayeen. Waanu furnay oo iyagoo ururo ah la baradamay.kuna guuleystay kaalinta kowaad. Kuwii markaa diidanaa way Burbureen.
16) Waxaanu u ololayn jirnay idaacad iyo telivision laga maqlo oo keliya Hargeisa iyo agagaarkeeda . Maanta waxaa laga dhagaystaa caalamka oo dhan
Waxqababadka mustaqbalka
1. Bilicda Hargeisa oo ay ugu horeyso waddooyinka dhiman
2. TAMAR JABAN OO AAN SAMAYNO ,si aynu u dhiir galino Maalgashiga
3. Waddooyinka OO aan dhameystirno sida ta ceerigaabo- Burco oodweyne, boorama –saylac, galabaydh-dila-
4. Caano Geel OO la warshadeeyo Caalamkana loo dhoofiyo
5. Samaynta University Hospital oo u noqda mid wax lagu barto, sameeya research, isla markaana dadku kaga maarmaan debedda
6. Berbera cooridor oo la sameeyooo isku xidha berbera iyo Addisababa , isla markaana la sameeyo Khadka xadiidka ah ee isku xidha berbera iyo addisababa.
7. Arrimaha Debedda oo la qaado talaabadii firfircooneyd oo hore loo sii wado
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidasporanewss.com
