Uncategorized

“Waxay Aqoonsadeen In Rajiimkii Siyaad Bare uu Xasuuqay Shacabka Somaliland” Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyada iyo Waraysi Xiiso badan oo Qurbejoog.com idiin soo Tebinayso {DAAWO}

Paris 20.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Maanta ka hadlay Qodob Xasaasi ah oo uu Sheegay inay War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Istanbul uu ka mid ahaa kaas oo ah in la Canbaareeyo Xasuuqii loo gaystay Shacabka Somaliland ee uu Taliskii Siyaad bare ka fuliyay Deegaamada Somaliland.

vlcsnap-2014-01-20-20h33m53s98Wasiirka oo uu Weheliyo Wasiirka Madaxtooyada ayaa Waxay Sheegeen in Somaliland iyo Somalia ay Xaq u leeyihiin inay Qabsadaan Looyaro Sharci oo arrintooda eega .

Waxaa kale oo ay ku Doodeen in Ergadii Matalaysay Dawlada Federaalka ee Somalia ay Garawsadeen in Rajiimkii Siyaad Bare uu  Xasuuq u Gaystay Shacabka Somaliland isla markaana ay diyaaradihii ka Kacay Madaarka Hargaysa ay Duqeeyeen Isla Magaalada Hargaysa .

Paris SDN.

Qurbejoog.com