Uncategorized

Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo Hargaysa ku soo laabtay iyo Xusuustii Magaalada Balli Gubadle

Hargaysa 19.Sep 2013 (SDN)- Madax waynaha Jamhuurayada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayay oo dhawrkii Maalmood ee u danbeeyay Hawlgalo Shaqo ku marayay Gobolada dalka ayaa Galabta dib ugu soo Laabtay Caasimada dalka ee Hargaysa kadib markii ay ka soo Kicitimeen Xarunta Gobolka Hawd ee Magaalada Balli gubadle.

WEFTIWeftiga Madaxweynaha ayaa Mashaariic kala duwan Xadhiga kaga Jaray Magaalada Balli Gubadle,Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban u Jeediyay bulshada ku nool Magaalada Balli Gubadle ayaa uga Mahadceliyay sida diiran ee ay isaga iyo Weftigiisaba ugu soo dhaweeyeen Xarunta Gobolka Hawd.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu Tilmaamay in Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay ay ka go’an tahay sidii ay Isbedel balaadhan oo dhinacyo badan leh dalka uga hirgalin lahayd isagoo sheegay in Mudadii uu Hogaaminta Qaranka hayay uu ku Guulaystay Mashaariic badan oo ummadu u oomanayd waxaanu ku Guubaabiyay Shacabka Gobolka Hawd inay Gacmaha isu qabsadaan sidii ay horumarka gobolkooda kaalin weyn uga qaadan lahaayeen waxa uu Madaxweynuhu intaas ku daray in dawladiisu aanay waxba kala hagran doonin wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiiin in laga Taageero .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxaa kale oo uu ka hadlay Xusuustiisa Magaalada Balli Gubadle oo uu Tilmaamay inuu Mudo badan noloshiisa ku qaatay gaar ahaan Xilligii Halganka Hubaysan ee Ururkii SNM ee uu Hogaaminayay isagoo sheegay inay ahayd Xaruntii Taliski SNM.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku Wehelinayay Xubno ka Tirsan Golihiisa Wasiirada,Xildhibaano ka Mid ah Golayaasha Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com