|

Xukuumadda Somaliland Oo Caddeysay Inay Ogolaatay In Hargeysa Dib Looga Furo KINIISAD DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):-  Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay Kiniisad uu Hargeysa ka dhisay Gumaystihii Boqortooyada Ingiriisku, taasi oo Bulshada dood ka dhex Abuurtay markii Dhawaan dib loogu furay ogolaansho ay Xukuumaddu bixisay.

Kiniisaddan oo ku taalla Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan ka soo horjeedka Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa hore u dunsanayd, balse dhawaan ayaa Dayactir lagu sameeyay isla-markaana la furay, sida ay toddobaadkan shaacisay Haweenay Kiristaan ah oo ka hadlaysay Xaflad lagu qabtay Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo habeen hore Culimada Reer Somaliland waydiiyeen Munaasibad lagu qabtay Masaajid ku yaalla Hargeysa oo uu qayb-galay, ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinta Kiniisadda, waxaanu sheegay in Kiniisaddu aanay ahayn Kiniisad cusub oo la dhisay, laakiin ay hore u dhisnayd, sidaa darteedna dib loo furay markii Dadka aaminsan Mad-habta Kaatoligga ee Somaliland ka shaqeeyaa codsadeen in loo ogolaado inay dib u furtaan, si ay ugu cibaadaystaan.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa jira Kiniisado uu Ingiriiskii ka tagay, mid way dhisan tahay, midna way dunsan tahay, muddo dhawaydna Dad baa Gacanta ku hayey, qaarkoodna gudaheeda ayay ku aasan yihiin, markaa Kiniisad dhisan ayay ahayd, mar hadday Kiniisad dhisan tahayna inaynu albaabadeeda Qufulno ama Dumino Shareecadu inooma banneynayso.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay  “Waxa soo kordhay waxa weeyaan Dadkii meelahaa ku dhuumaalaysanayey (ee Kiristaanka ahaa) ama shaqooyinkooda dhexdooda ku cibaadaysanayey, inay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inaanu furano oo aanu ku cibaadaysanno, laakiin Maslaxaddu waxay noqotay in la koobo oo Kiniisaddoodu u shaqeyso Dadkaa Ehelu Kitaabka ah ee Martida innagu ah ama shaqooyinka kala gaarka ah Dalka ka haya, halkaana aynu Gaadh kaga hayno, wixii Dadkeena ah ee ku kordhana aynu Shaqo ka qabano.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Dadka Ehelu-kitaabka ay Muslimiintu ictiraafsan yihiin “Ehlu-kitaabku Axkaam gaar ah ayay leeyihiin, hadday Cibaadaystaan waa Dad aynu ictiraafsan nahay inay yihiin Ehlu-kitaab, Dumarkoodu way inoo bannaan yihiin, xoolaha ay Qalaan ay inoo bannaan yihiin.”

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Ma jirto Kiniisad aanu dhisnay, ee waxa jirta Kiniisad dhisnayd oo Nin Kiristaan ah oo Reer Somaliland ahi ku dhex dhintay baa jira.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dawlad baynu nahay, waxaynu doonaynaa inaynu Nidaam Adduunka kula shaqaysanno oo aynu wada xidhiidhno. Imika ayaynu Hargeysa ka ururinaynaa (Lacagta) Masaajiddo laga dhisayo Dalalka Dibedda, innaguna Kiniisad aynaan innagu dhisin oo hore u jirtay ku cibaadaysta iyo ku cibaadaysan maysaan, waxa noo dhib yaraatay ku Cibaadeysta aanu Gaadh idinkaga haynee, intaad Qarsan lahaydeen oo aad nagu khiyaamayn lahaydeen, markaa intaasaa dhacday.”

Comments are closed