|

Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee UCID:Waxa Nasiib Daro ah in Wasiirka Arrimaha Dibeddu kala Garan Waayay Danaha Qaranka iyo kuwa Dahabshiil

Minneapolis May 30,2013(SDN)-Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka ee UCID ayaa hadal saxaafada loogu talo galay oo uu ka soo saaray shir Soomaaliya loogu qabtay Nairobi oo Somalilandna ay ka qeyb gashay.

Xoghayaha arrimaha dibedda iyo xiriirka Caalemiga ah ee UCID oo qoraalkan ku sexeexnaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida xukuumada Somaliland ugu tumaneyso qadiyada Somaliland.

Qoraalka Xoghayaha UCID ayaa sidan u qornaa;”Waxa la yaab iyo kedis nagu noqotay ka dhex muuqashada uu wasiirku ka dhex muuqdo madal aan u qalmin Somaliland.

Waa nasiib darro in uu wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ka dhex muuqdo shir ay gudoominaysay, midida daabkeedana haysay dawladda Soomaaliya. Inaka oo mucaarid iyo muxaafidba diidnay shirkii weynaa ee dawladda weyn ee Britain inagu marti qaaday, inooguna fidisay casumaad sharafeed meeqaam kan ka sareeya leh.

Arrinka diidmada ka qaybgalkii shirkii LondonĀ  waxa uu si weyn uga cadhaysiiyay madaxda ugu saraysa ee dawladaha Britain iyo USA. Hadana, waxa nasiib darro ah in aan maanta dhex fadhiisano goob la iskugu yeedhay ganacsato yaryar iyo maamul goboleedyo yaryar.

Waxa nasiib darro ah in waraysigii uu wasiirku siiyay wargeyska dawladda Somaliland ee Dawan uu ku sheego in ay okay tahay in ay shirkan ka qayb galaan, maadaama ay joogeen shirkado ay ka mid yihiin Dababshiil iyo Liberty Shipping. Waxa aqoondaro weyn ah in uu kala saari kari waayo meeqaamka uu taagan yahay qaranka Somaliland iyo meeqaamka ay taagan tahay shirkad caalami ah, laakiin laga leeyahay Somaliland. Haddii aanu fahmin weli, Dahabshiil ganacsigeedu waxa uu ku xidhan yahay 85% dibedda Somaliland, sida Muqdisho, puntland, Djibouti, Kenya, iwm.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu uga digayaa shicib weynaha Somaliland, gudo iyo dibedba aqoondarada dublimaasiyadeed ee sida suudha uga soo ifbaxaysa maalinba maalinta ka dambaysa maamulkii aynu ku aaminay hogaanka dalka. Waxa aanu dhamaanba shicibkayaga qiimaha leh ee S/land u sheegaynaa in aanaan raali ka ahayn meel ka dhaca joogtada ah iyo boholo-dheeraynta lagu hayo qadiyaddii Somaliland ee aynu usoo halagamaynay mudada 22ka sanno ah.

Allaa Mahad Leh

Yusuf Budle

Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID

 

Comments are closed