Uncategorized

Xuddur oo xasilloon kaddib ka bixitaankii Al-Shabaab

Xuddur 09.March 2014 (SDN)- Degmada Xuddur ee xarunta u ah gobolka Bakool ayaa xasilloon kaddib markii Jimcihii la soo dhaafay halkaas laga eryaday maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

XudurGuddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macallin Axmed oo ku sugan Muqdisho ayaa  u sheegay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay gacanta ku hayaan ammaanka magaalada.

Maxamed ayaa ka dayriyay xaaladda nolosha ee magaalada, wuxuuna ka codsaday dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka inay gargaar deg-deg ah geeyaan magaalada.

Ciidamada huwanta ah ayaa la wareegay Xuddur iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah maadaama maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isaga carartay halkaas kaddib markii ay ka war heshay in lagu soo wajahan yahay magaalada.

Xuddur SDN.

Qurbejoog.com