Hargaysa.20 March 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Mudane C.risaaq Khaliif Axmed oo Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sharaxay Qorshaha Wasaaradiisu u dejisay bad qabka gaadiidka cusub ee dalka soo gelaya iyo faa’iidada ugu jirta bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Waxaa kale oo uu ka Jawaabay Cabasho ka soo Yeedhay Ganacsatada Macdaarada Baabuurta,oo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan wasiirka Maaliyada Samsam ku eedeeyay inay ku soo rogtay cashuur dheerad ah oo aan qasnada dawlada ku dhicin basle nin ka soo jeedda Qoyska Madaxtooyadu uu jeebka ku shubto. lacagtaasi oo qiimaheedu yahay $80 kasta Baabuur oo cusub.
