|

Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Qodobo Ka Soo Saaray Mawqifkooda Doorashada,Mucaaridkana ka dalbaday inay Guurtida u Tagaan DAAWO

Hargaysa 30.June 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), oo ay hareero taagan yihiin hogaanka Kulmiye iyo wasiiro xukumadda ka tirsan ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen aqalka Madaxtooyada Somaliland waxay ku sheegeen inaanay xukumadda iyo xisbigeedu ka bixin heshiiskii Siyaasiga ahaa ee Xukumadda iyo saddexda Xisbi qaran iskula waafaqeen in doorashada la qabto badhtamaha December 2016-ka.

Xukuumada iyo KulmiyeMadaxweyne xigeenka ayaa saxaafadda u akhriyay qodobo ku saabsan mawqifka Xukumadda iyo kulmiye ee heshiiskii 3-da xisbi iyo xukumadda ee guurtidu diiday

Arrimaha hadda taagan Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiiye waxay ka aaminsan yihiin sidan soo socota;

  1. Mawqifka xukumadda iyo xisbiga kulmiye wuxuu taageersan yahay heshiiskii Xisbiyada iyo xukumaddu isla gaadheen, meel xukumaddu heshiiskaas kaga baxdayna ma jirto;

  2. Sidii aanu ku caddaynay heshiiska aanu wada saxeexnay ee asxaabta iyo xukumaddu go’aankii guurtiduna waa mid sharci ah;

  3. Xukumadda iyo xisbiga Kulmiye waxay ku jiraan sidii golaha guurtida oo ah hay’addii sharciga u lahayd muddo kordhinta aanu isula waafaqi lahayn heshiiska siyaasiga ah ee aanu danta qaranka moodnay;” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Madaxweyne xigeenka oo hadalkiisa siii wata ayaa intaasi raaciyay “Sidaas darteed walaalahayaga Mucaaradka ah waxaanu leenahay meesha kuma jirto in dadka la jaahwareeriyo oo la yidhaa Xukumadda ayaa ka baxday heshiiskii oo umadda waxaan jirin loo sheego”

Mudane Saylici, waxa uu sheegay in heshiisku ahaa xal siyaasi ah balse uu hor yaalo Sharci ah go’aanka guurtidu “Waxa weeye sharci baa halkan yaala, waxaynu qaadanayna waa xal siyaasi ah oo aynu ku raadinayno danta qaranka oo aynu ku raaligalinaynay beesha caalamka ee inala shaqaysa oo u aragtay inaynu ka dhago adaygnay hawshii dimuqraadiyadda ee ay inala waydeen oo aanu taas darteed u qaadanay”

 

Mudane Saylici wuxuu hadalkiisa ku gunaanaday “Waxaanu ku jiraa sidii go’aanka dastuuriga ah ee odayaasha guurtidu qaateen loo waafajin lahaa heshiiska aynu isla garanay ee ah xalka siyaasiga, wax heshiis ah oo laga baxayna meesha ma yaalaan”

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland ma soo hadal qaadin inay jiraan wax wada hadal ah oo guurtida iyo xukumadda u socda iyo sidoo kale wakhtiga lagu qancinayo arrintaasi maadaama ay hadda muddo ka soo wareegtay, waxaa sidoo kale dalka ka dhoofay dorraad hogaamiyihii guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed