Barowe:22-Jan-2014(SDN)-Waxa Maanta ku Eg Muddadii 15-ka Cisho ahayd ee Kooxda Alshabaab u qabatay inay Shirkadaha Isgaadhsiintu ku joojiyaan Isticmaalka Intertetkka.
Wararka ka Imanaya Deegaanada ay Kooxdaasi Gacanta ku Hayso ayaa sheegaya in la Arkayo ciidamo gaaf wareegayo goobaha Magaalooyinka ah iyo xarumaha shirkadaha isgaadhsiintuku leeyihiin halkaasi, waxana jira Baadhitaano lagu Hayo cidda lagu arko iyadoo adeegaas isticmaalaysa.
Deegaano hoostaga Baar-dheere oo gobolka Gedo ah iyo Baraawe oo gobolka Shabellaha hoose ah ayaa laga dareemayaa in la jaray isticmaalka Mobilada internet-ka laga isticmaalo taasi oo caqabad weyn ku noqon doonta dhalinyarada Somaliyeed.
Al Shabaab ayaa culeys weyn oo ka dagay u arka mamnuucista adeega mobil internet-ka ah waxaana la tilmaamayaa in shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya internet-ka ay hadda heysato labo daran mid dooro maadama Al Shabaab iyo dawladuba labo Amar ku kala rideen.
Wax Hadal ah kama ay soo saarin shirkadaha isgaadhsiintu Caqabadahan ka soo kordhay dhinaca Alshabaab, waxase la hubaa inay ku khasban yihiin inay U Hoggaansamaan Go’aanadan, maadaamaKooxu sheegtay inay u aqoonsan doonto Dad cadow la shaqaynaya.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
