Hargeysa 12.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa maanta Qado Sharaf ku Maamuusay Xulka Gobolka Maroodi Jeex u Metelaya tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.
Hadhimo Sharafeedkan waxaa Goob joog ka ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha qaranka.
Wasiirka Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa hadal kooban oo uu madashaasi ka jeediyay waxa uu ku amaanay Xulka Gobolka Maroodi jeex dadaalka wax ku oolka ah ee ay Muujiyeen Mudadii uu tartanku socday,Wasiirku Waxa uu Tilmaamay in Ciyaaruhu ay Yihiin kuwa Sababta u noqda inay is dhexgalaan dhallinyaradu isla markaana kala korodhsadaan Wixii Waayo aragnimo ah ee ay is dheer yihiin.
Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada, iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal ,iyo Kalluumaysiga Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire ayaa dhankooda Iftiimiyay doorka laga rabo da’a yarta ka qayb qaadanaysa Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland.
Maayarka Caasimada Hargaysa Mudane C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ku booriyay Xulka Gobolka Maroodijeex inay Sii Libin laaban dadaalkooda isla markaana ay ka midho dhaliyaan inuu mar kale hanto Koobka Tartankan Gobolka Maroodi jeex.
Geesta kalena Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” ayaa Qado sharaf ku maamuusay Xulka Gobolka Sanaag .
Xaflad arrintaas la xidhiidha ayaa waxa kale oo ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade iyo Madax ka tirsan Hay’adaha dawlada.
Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” ayaa ku sheegay sababta uu hadhimo sharafeedkan u soo agaasimay inay salka ku hayso niyad dhis iyo dhiirigelin ay u Muujinayaan Xulka Gobolka Sanaag uga qayb qaadanaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Ka Socda Caasimada dalka ee Hargaysa Waxa uu Taliyuhu ku adkeeyay Xulka Sanaag inay ilaaliyaan dhamaanba qawaaniinta Ciyaaraha.
Maareeyaha Madbacada Qaranka,Gudoomiyaah Gobolka Sanaag iyo Xildhibaan C.qaadir Indho Indho oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa u soo jeediyay Xulka Gobolka Sanaag inay Xoojiyaan isku Xidhkooda isla markaana ay dadaal badan geliyaan Sidii ay Guul taariikhi ah uga soo hoyn lahaayeen Tartanka Ciyaaraha Gobolada .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
