Hargaysa 12.June (SDN) Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Cod dheer kaga Digay Talaabada ay Xukuumada Somaliland ku Xayirtay Wargayska Hubaal oo ka mid ah Warsidayaasha ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargaysa Isla markaana ku Sheegay Mid ka hor imanaysa Mabaa’diida Saxaafada Xorta ah iyo Xoriyatul Qawlka.
Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo Shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga Ucid ayaa Sheegay in Ciidamada Hawl galada gaarka ah loo carbiyo ee RRU inaanay ka amar qaadan Taliska Ciidanka Booliska waxaa kale oo uu Cadeeyay in Xisbi ahaan ay ka soo hor jeedaan Hab dhaqanka ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kula Macaamisho Saxaafada Xorta ah.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CALIGURAY12.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
