|

Xurgufta Jabuuti Iyo Imaaraadka oo Fursad u Noqotay Maalgeshiga Dekedda Berbera iyo Doorka Itoobiya ka ciyaartay

Dubai 30.June 2015 (SDN/QJ)- Dagaalada dalka Yemen ayaa la sheegay inay keeneen fursad Somaliland ku hesho dhaqaale lagu maalgeliyo dekedeeda Berbera, maalgelishaas oo ka imanaya waddanka Imaaraadka Carabta oo khilaaf siyaasadeed soo kala dhex-galay waddanka Jabuuti oo heshiisyo mashaariic tiro badan lagu fulin lahaa dhexmareen.


berbera portSida lagu sheegay warbixin maalgeshiga dekedda Berbera ay ka diyaariyeen hay’ado warbaahineed oo caalami ah, Hogaamiyeyaasha dalka Imaaraadka ayaa wakhtigan u muuqda kuwo diyaar u ah goynta xidhiidhkii ay la lahaayeen Jabuuti, sida wararka laga helayo dhinacaasi sheegayaan, isla markaana qorshaynaya inay u wareegaan wadanka la jaarka ah ee Somaliland iyo dekedooda Berbera, sidii ay u maalgeliyeen Jabuuti 15 sannadood ka hor.


Sidoo kale wararka ku saabsan isbeddelka maalgashi ee hogaamiyaasha Dubai ka qaateen Jabuuti ayaa intaa raaciyey inay u diyaar yihiin kala shaqeynta madaxda Itoobiya inay wadajir u maalgeliyaan dekeda Berbera.
Wararka laga helayo caasimada Addis Ababa ayaa sheegaya in madax sare oo Dubai ka socda dhowaan kulan la yeesheen raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ku saabsan xiisahooda inay la wadaagaan shirkad maalgelin ku samaysa dekeda Berbera.


Inkastoo weli aanay wax warar ku saabsan qorshaha Dubai ka soo bixin madaxda Itoobiya, ayaa dhinaca kale xogaha ku saabsan arrinkani intaa ku dareen hadii Itoobiya aqbasho mashruucaa ka dhigi doonta mid ay ka faa’iido awood dhaqaale gobolka, halka ay keli ku ahaan lahayd maalgalinta mashruuca dekeda Berbera.


Si kasta, xidhiidhka jabuuti iyo Dubai ayaa u muuqda mid taagan dariiqii uu ku dhamaan lahaa, isla markaana lix mashruuc oo hore maalgelinta Dubai u qorshaysnaa, ayaa la filayaa inay dowladda Jabuuti dhamaantood u wareejiso maalgelin looga helo dalka Shiinaha oo danaynaysa dalka Jabuuti, taasoo bannaanka soo dhigtay khilaafka dhexmaray labada dhinac iyo dacwad Jabuuti ku oogtay shirkada Dubai World oo maalgelisay dekedda Jabuuti, kaddib markii ay ka baaqsatay fulinta mashaariic kale oo ay maalgelintooda hore u ballanqaadday.

Dubai SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed