|

“Nafteydu Waxay Leedahay Mudadii Lagu Kordhiyey Golaha Wakiilada Ee Shanto Sanno Aheyd Waxay Kaaga Eeg Tahay 26 Ee 2015-ka” Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa 30.June 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna hogaamiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hadal uu hore uga sheegay Xaflad Labadda Xisbi Mucaarid iyo Madasha Tadda Tashiga iyo Toosintu ay isbahaysi ku sameysteen, ayuu kaga dhawaaqay go’aamo dhawr qodob oo naftiisu uu kula shawray kuwaasi oo ay ka mid aheyd in uu Xilka Guddoomiyenimo ee Wakiilada iskaga tagi doono marka la gaadho 26 Bishan June oo hada laga gudbay mudadaasi.

Guddoomiye-cirro3Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hore go’aamadda kaga dhawaaqay madal laysku arkay oo Xisbiyadda Mucaaridka ee Waddani iyo UCID oo ay weheliyaan Odayaasha Madasha Wadda Tashigu, waxa uu halkaasi ka yeedheyey qodobo isaga iyo naftiisa ku saabsan oo Nuxurkoodu ahaa marka la gaadho 26 June ee 2015-ka in uu iskaga tegi doono Xilka Guddoomiyaha Wakiilada oo haatan mudo 10 Sanno ah uu hayey, waxaana mudadaasi uu naftiisa u qabtay in uu xilka kagaga tegi doona ee ku eekeyd 26-ka Bishan aynu ku jirno ee June ee 2015-ka uu balankaasi noqday mid hal bacaad lagu lisay oo Md Cirro aanu ka dhabeyn ka dib markii mudaadaasi oo hada la dhaafay aanu ku dhawaaqin in uu iska casilay xilkii uu balanqaaday ka tegidiisa ee Wakiilada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hogaamiyaha Xisibga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro “Nafteyda waxaan leeyahay waxa lagu doortay mudane ka tirsan golaha wakiilada 2005-tii mudo xileedkiina waxa uu kaa dhamaaday Septemper 2010-kii, nafteydu waxay iigu jawaabtay inay arinta u diyaar tahay oo aanay rabin mudo koridhsi dambe, nafteydu waxay leedahay mudadii lagu kordhiyey ee Shanto sanno aheyd waxay kaaga eeg tahay 26-ka June , nafteydu waxay leedahay waxaan diyaar u ahay in doorashadii la qabto hadii la qaban waayana in Wakiilada la kala diro”.

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed