|

Yaabka Maanta: Qoys Soomaali ah Oo Aas Qaran u Sameeyey Bisad ay Lahaayeen Oo Geeriyootay

London:Aug,31,2015(SDN/QJ)-Dhacdo aanay dadka soomaalida ahi caado u lahayn, ayey ku kaceen Qoys soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada London ee Dalka Britain, kadib markii ay aas  weyn u sameeyeen Bisad rabbaayad ahayd oo ay lahaayeen.

frrQoyskan, ayaa waxaa xidhiidh la soo sameeyay Booliska, iyagoona ku wargeliyay in shil baabuur ay ku dhimatay bisadoodii, isla-markaana la dhigay isbitaalka xanaanada xoolaha. Mar dambena laga soo wacay isbitaalka, loona sheegay inay dhimatay bisadii.

Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Aadan Warsame Buryar oo dhacdadan ka sheekeeyay, ayaa sheegay in isbitaalka ay ku yidhaahdeen iska tuuro baqtiga bisadda, marba haddii ay dhimatay. Laakiin loo sheegay dalka Britain in aan  meydadka bisadaha la iska tuurin, oo anshaxuna uu yahay in la aaso.

Wuxuu sheegay in loo soo bandhigay saddex sharuudood, oo bisadda meydkeeda lagu asturi karo, kuwaa oo kala ah in bisadda lagu aaso qabuuraha xayawaanada, in meydka bisadda la gubo iyo in haddii ay lee yihiin jardiin ama beer ku dhex taala hoygooda, lagu aaso bisadda.

Aadan Warsame oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay in ugu dambeyn uu go’aankoodu noqday in meydka bisadda lagu aaso jardiinka gurigooda, balse ay toddobaad ku qaadatay, sidii uu ubadkiisa kaga dhaadhicin lahaa in meydka bisadda lagu dhex aaso guriga.

Buryar, ayaa ku waramaaya in gabadh uu dhalay ay laheyd bisadda, waxa uuna magaca bisadda ku sheegay Mayal. Shilka ay ku dhimatay bisadda ayaa ka dhacay meel ku dhow hoyga qoyskaasi.

Buryar, ayaa intaa ku daray in looga soo tacsiyadeeyay geerida ku timid bisadda, fasaxna uu ka helay goobta uu ka shaqeeyo, si uu u soo guto tacsida.

Arrinta layaabka leh, ayaa waxaa weeyaan sababta uu Boolisku ku ogaaday inay shil gashay bisaddii qoyskaasi Somaliyeed, iyadoo bisadaha iyo eyda dalkaasi uu ku xidhan yahay qalab yar, oo sheegaaya magacyadooda, qoyska iska leh iyo ciwaanada qoysaskaasi lagala xidhiidhi karo.

Waa hubaal dad badani inay dhacdadani ku noqon doonto mid layaab leh, iyadoo aad ogtahay in wax aan macno lahayn dadkii lagu laynaayo dalal ay ka mid tahay Somaliya, halka wadamada horumaray laga dhowro xuquuqda xayawaanada.

 

SDN./QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed