|

“Ninkii loogu cayda iyo Aflegaadada Badnaa baan ahaa, laakiin Imika waa la iga nastay mana odhan karo haddii xil la iigu yeedho waan qabanayaa iyo ma qabanayo midna”Axmed X. Daahir Cilmi.

Hargeysa:Aug,31,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumaddii Daahir Rayaale Md Axmed xaaji Daahir Cilmi, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu jawaab cad ka bixiyey halka ay ku dambaysay Xubinnimadiisii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

areMd Axmed Xaaji Daahir oo u warramayey Telefishanka Universal, ayaa tilmaamay inuu saluugsan yahay sida Xisbiga Waddani haatan wax u wado, isla-markaana  uu kaga maqan yahay saluug uu arkay,“ markii anigu aan arkay dhammaan xisbiyada waxan is idhi ha degdegin, wali daraasaddii aan waday may dhamaanin, laakiin kollay way jirtaa waxa aan diidanahay wax aan dareen sanahay oo aa Xisbiga Waddani ku dhaliilayaana way jiraan. Waxa aan jeclaa in xisbiga Barnaamij loo sameeyo oo dadka lagu soo jiito waxa aanu doonaynayno, mana jiro wax barnaamij  ah oo maanta xisbigii iiga muuqdaa.” Ayuu yidhi Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

Mudane Xaaji Daahir oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu markale kamid  noqdo xisbigii Udud ee hore u baaba’ay oo Madaxweyne Daahir Rayaale dhawaan sheegay inuu mar uun soo noqon doono, waxana uu intaas ku daray in Xisbiyada Maanta jira Mid Walba Cidi iska leedahay, waxana uu yidhi,

“Xisbigii udud Haddii uu soo noqonayo waan soo dhaweynayaa, waana kii dalka soo aasaasay, Walina maan arag xisbi dhaama oo xisbiyo dad leeyihiin uun baan meesha ku arkayaa.”

Axmed Xaaji Daahir Cilmi waxa uu sheegay inuu ka nastay dhibaatoyin uu sheegay in lagu hayey xilligii uu xilka, waxana uu jawaab  macnoyaa badan leh ka bixiyey Haddii xil loogu yeedho Go’aanka uu qaadan lahaa,

“ninkii  loogu cayda iyo Aflegaadada Badnaa baan ahaa, laakiin Imika waa  la iga nastay  markii aan xilka wareejiyey, Madaxtooyadana ninka galay ma ihi, waayo waxan qabaa inaan fursadooda siiyo, mana odhan karo haddii xil la iigu yeedho waan qabanayaa iyo ma qabanayo midna, waayo ilaahay baa xilka bixiya.” Ayuu yidhi Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

 

SDN./QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed