|

Baydhabo:31-Jan-2014(SDN)-Iyadoo Dawladda Federalka ah ee Somalia ay War Cad ka soo Saartay Arrimaha muran ee ka Taagan Baydhabo, ayey Odayaasha Deegaankaasina si Cad uga Hadleen Tallaabooyinka ay dhawaan qaadi doonaan.

baydhaQaar ka mid ah Odayaal-dhaqameedka ku Shirsan Magaalada Baydhabo oo Hamigoodu yahay inay Maamul ka kooban lix Gobol Halkaas ka Sameeyaan, ayaa xusay inay muddo shan cisho Gudahood ah maamulkaas ku dhamaystiri doonaan.

Malaaq Cali C/raxmaan SHiino oo kamid ah odayaashaasi ayaa sheegay in wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ay masuul ka ahayd dowladda isla markaana iyaga ay hadda wataan howshooda ah maamulka Koonfur Galbeed dalka.

 

Waxaa kaloo uu sheegay in la soo gudbiyay araajida musharrixiinta waxa hadda dhimanna ay tahay doorasho loo galo xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.

 

Magaalada Baydhabo waxaa shalay ka dhacay qalalaase kadib markii la hor-istaagay shirka maamul usameynta lixda gobalka oo ay AMISOM sheegtay in taliskeeda sare uu amarkaasi soo bixiyay.

 

DHanka kale, waxaa shirkaasi ka garab furan shir kale oo isna la sheegay in lagu dhisayo maamul goboleed ka kooban saddex gobal.

 

Dadka Deegaanka ayey ka Go’an tahay inay Arrimahooda Dhamaystaan, waxana ay si weyn uga Soo Horjeedaan Farogelinta ay Dawladdu ku Hayso, Balse waxa la Eegayaa Jawaabta ay Dawladdu ka Bixiso  Hadalka haatan ka soo Yeedhay Odayaasha Dhaqanka.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed