|

Beesha Tanade Darood oo baaq Dhaliil ah ka soo saaray Saamiga ay ka heleen Gollaha Wasiirada Puntland

Garoowe Jan 31,2014(SDN)-Beesha Tanade Daarood(Laylkase) ayaa kulan ay waxgaradkoodu isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Garoowe waxa ay ku dhaliileen Saamiga ay ka heleen Gollaha Wasiirada Puntland ee uu dhawaanta magacaabay madaxweynaha Puntland Md Cabdiweli Gaas.

Beesha oo kulanka dabadii saxaafada u qeybisay baaq ay soo saaeen ayaa waxa uu u qoraa sidan;

1: Beesha Tanade(Laylkase )waxay soo dhaweynaysaa oo taageeraysaa doorashadii madaxweynaha Puntland.

2: Beeshu waxay ka shaqeeynaysaa horumarka iyo nabada Puntland.

3: Beeshu waxay dhalliilsan tahay saamiga laga siiyay golaha wasiirada Puntland . Iyadoo awal ku dulmaneed saamigii barlamaanka ku lahayd.

4: Beeshu waxay qabtaa inaysan uqalmin saamiga lasiiyay . Iyadoo baaxad weyn ku leh deegaanada Puntland.

5: Waxay beesha ka codsanaysaa madaxweynaha Puntland Dr C/Weli inuu cadaalad ku iiyo xaqa beeshaas ka maqan.

6: xubnaha baaqaan soo saaray waxay beesha Tanade Daarood ugu baaqeen inay adkeeynaa midnimadooda iyo iskuduubnidooda.

Comments are closed