|

Dawladda Turkiga oo Sheegtay Inay Culayska Saari Doonto Dib u Heshiisiinta iyo Isu Soo Jiididda Qabaa’ilka Kala Aragtiyaha Duwan ee Somalia

Muqdisho:31-Jan-2014(SDN)-Safiirka Turkiga u fadhiya waddanka Somalia Kamaalu-diin Kan Turan, ayaa si Faahfaahsan uga Hadlay Taageerada Dawladda Turkiga ay siiso Shacabka iyo Dawladda Somalia.

Safiirka-Turkiga-SoomaaliyaSafiirka oo u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa xusay inay Haatan Dawladdiisa ka Go’antahay inay si Toos ah uga Qayb qaataan  Dib u heshiisiinta Qabiillada Dalka oo Meelo ka mid ah Dalka isku haya Haatan.

Safiir Kamaaludiin ayaa sidoo kale Sheegay inay Dawladiisu wax badan oo la Taaban karo ka soo qabatay Arrimaha Dhismayaasha Garoomada iyo Waddooyika iyo Waliba Kor U qaaddida Bilicda Guud ee Magaalada Muqdisho.

Arintaan ayuu safiirka ku tilmaamay inay caawineyso sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya oo kala duwanaasho ka jiro.

Talaabadan ay qaadeyso Turkiga ayaa hadii ay suurta gasho waxaa laga yaabaa inay wax badan ka bedasho sida hada ay u kala aragti duwan yihiin Qabaa’ilada dalka ee wax wada qeybsiga ku kala fog.

Dawladda Turkiga ayaa noqotay Dawladda Kaliya ee ka Tirsan Dawladaha Islaamaka ee Haatan u soo Qalab qaadatay sidii loo soo Celin lahaa dawladnimadii iyo Sumcaddii Waayo-waayo lagu yaqaanay Somalia.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed