Home » 10:47 pm Entries posted on “October, 2017”

“Dadka Somaliland ku Nooli Waxay kala Tagayaan Wakhtiga Suurta La-afuufo,Waxaan Anigu door bidayaa inay wanaag ku wada joogaan..” Dardaarankii Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin!!!

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay haddii wanaag lagu wado joogo iyo haddii xumaan la is-gashadaba in Bulshada Reer Somaliland weligeed wada joogi doonto dalka Somaliland, isla markaana aanay ku kala tegi doonin illaa Suurta la afuufo ka hor. Waxa hadalkani ka mid yahay Khudbadihii Taariikhda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somaliland oo Farriin u Diray Xisbiyada Ololaha Doorashada Ku Jira DAAWO

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):-Taliyihii hore ee Ciidammada Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur, ayaa fariin dardaaran ah waxa uu u direy murrashaxiinta iyo Taageerayaasha Xisbiyada Qaranka, isagoo wakhtigan Taageera Xisbiga talada haya ee Kulmiye. Waxa uu Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland wakhtigii Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Maxamed Nuur, ayaa Shir Jaraa’id oo uu maanta ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga Kulmiye iyo Dhoola Tuskiisa Siyaasadeed ee Xarunta Gobolka Sanaag ee Magaaladda Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 31. October 2017 (SDN/QJ):-Taageerayaasha iyo Jamaahiirta aaminsan Siyaasadda Xisbiga Kulmiye ayaa Maanta Wareegii 4aad ee Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Waxay isugu soo baxeen Magaaladda Ceerigaabo iyo Deegaanada Kala duwan ee Gobolka Sanaag Koobsado.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Tacsi ah u Diray Qoyskii uu Ka Baxay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidanka Qaranka oo Maanta Geeriyooday

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum gashaanle sare Maxamed Cabdi Bisle oo ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Odinga oo Shaaciyey Tallaabooyinka uu Qaadayo Natiijadii doorashada uu ka hadhay ka dib

Nairobi 31. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga ayaa maanta sharaxay go’aamada uu ka qaatay doorashadii Isniintii la soo afjaray. Wuxuu ku celiyay in weli uu aaminsan yahay in aysan doorasho dhicin, wuxuuna tilmaamay in uusan aqoonsanayn maamulka Uhuru Kenyatta. Guddiga doorashada ee IEBC ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Isu soo Bixii Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Burco & Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey DAAWO

Burco 31. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee xisbiga kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed, xubno wasiiro ah iyo mas’uuliyiinta gobolka Togdheer ee xibiga kulmiye ayaa kala qayb galay taageerayaasha xisbiga kulmiye isu soo baxa ololaha doorashadda.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“KULMIYE Waxa Murrashaxiin Ka Ah Hoggaamiyeyaal Shiraban Oo Dhiigooda Shaybaadh Lagu Tijaabiyey Oo Aan Shaashaysnayn, Waxa Aynnu Leenahay Kulmiye Ayeynu Nahay.” Wasiir Maxamuud Xaashi SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi waayo aragnimo weyn oo siyaasadeed leh, isla markaana uu arrimo dhawr ah dheer yahay asxaabta kale. Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in murrashaxiinta Xisibgia KULMIYE ay ka taariikh weyn yihiin, ragga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shacabka Gobolka Saaxil oo dhoolla-tuskii ugu ballaadhnaa ku qaabilay Murrashaxa Madaxweynaha + dadweynaha reer Hargeysa oo cuddudooda soo bandhigay iyo baaxadda taageerayaasha isugu soo baxay gobollada Somaliland maalinta afraad ee ololaha KULMIYE SAWIRO

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):-Taageerayaasha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa isu soo baxyo wacdaro ah ku soo bandhigay gobollada iyo degmooyinka dalka maanta oo ah maalintii afraad ee ololaha xisbiga KULMIYE ee doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13-ka bisha November 2017. Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye oo Taageerayaal Laxaad Leh Maanta Kala Qayb galay Isu Soo bax ay ka Dhigeen Magaaladda Berbera DAAWO

Berbera 31. October 2017 (SDN/QJ):-Fagaaraha 26 June ee magaalada Berbera ayaa waxaa isugu soo baxay Taageerayaal aad u Tiro badan Waxaana Halkaasi Khudbado uga Jeediyey Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye Muj: Muuse Biixi Cabdi & Madax kale. Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad dhinacyo badan leh […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jamaahiirta Kulmiye oo Maanta Isu Soo bax la Xidhiidha Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda ka Dhigay Laascaanood DAAWO

Laascaanood 31. October 2017 (SDN/QJ):-Xarunta Gobolka Sool ee Magaaladda Laascaanood ayaa Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Waxa uu Maanta ka Sameeyay Isu Soo bax balaadhan oo La Xidhiidha Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee Ku astaysan 13-ka Bisha November 2017.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »