Home » 7:04 pm Entries posted on “December, 2017”

Wasiir Ku-xigeen Sii Xoojinaya Dhaqdhaqaaqyada Puntland Ka Waddo SOOL Oo Shalay Tagay Tukaraq

Laascaanood 25. December 2017 (SDN/QJ):-Maamul Gobolleedka Puntland oo Maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq Ciidan ka waday meelo ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa masuuliyiin ka socdaa waxay Shalay socdaal ku tageen deegaanka Tukaraq. Wefti uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa isagoo wata Ciidamo badan oo ilaalo u ahaa waxa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland: Doorashada Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaannada Oo Ka Mid Ah Caqabadaha Hor-yaalla Xukuumadda Cusub

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Goleyaasha Guurtida, Wakiillada iyo Dawladaha Hoose oo loo muddeeyay in la qabto Sannadka 2019-ka, haddii Allaah yidhaahdo. Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey kulan Is-barasho iyo Wada-tashi ah oo Golihiisa Wasiirrada uga furmay Magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Dad badan ayaa ii yimi, waxay igu yidhaahdeen gurigaaga iskaga guur, Gurigaagu wuu yar yahay, Wasiirkii Maaliyadda ayaad noqotay ee fooq weyn halkaa ka kirayso,Aniguna Waxaan Ku Idhi… ” Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa ka warramay soo jeedimo layaab leh oo qaar ka mid ah Bulshadu u soo jeediyeen markii xilkaasi loo Magacaabay. Soo jeedimahan oo dhammaantood ku qotoma sida musuqmaasuqu u sameeyay fikirka Dadka reer Somaliland, ayaa waxa ka mid ah in Dadka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Dardargalin Ah La Yeeshay Wakiilada Iyo Guurtida DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shirgudoonka labada golle ee guurtida iyo wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan oo ahaa kii u horeeyey ee shirgudoonka labada gole ay madaxweynaha ugu yimaadaan ayaa daranaa is xogwaraysi, waxaana aad loogu lafo guray kulankaasi, qodobadan. Waxa laga wada hadlay oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Waxaanu Xukuumada Cusub U Sheegnay In Doorka Xisbiga Waddani Yahay Sida Uu Sharcigu Farayo Door Xisbi Mucaarida Oo Adag “ Gudoomiye Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta ka hadlay kulankii maalintii shalay ay la qateen xukuumada cusub ee madaxweyne muuse biixi cabdi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Horta Muuse Meel Aanu Is Kagaga Soo Hor Baaxnay Oo Aanu Salaan Isla Dhafnay May Dhicin Lakiin Talada Dalka Aynu Isku Khilaafnay Maantana…” Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi xuseen axmed caydiid oo ka mid saraakisha xisbiga mucaaridka ah ee waddani ayaa ka jawaabay suaal ay warbaahiintu waydiisay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xuutiyiinta Oo fariin Digniin ah usoo Diray Somaliland kana digay inaan Somaliland u ogalaan Saldhiga Berbera Xulufada Imaradka iyo Sucuudiga DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Xuutiyiinta Oo fariin Digniin ah usoo Diray Somaliland kana digay inaan Somaliland u ogalaan Saldhiga Berbera Xulufada Imaradka iyo Sucuudiga.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Kulan Islaab Xaadhasho Ah Kula Qaatay Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Waddani Oo Uu Hor kacayo Gudoomiye Cirro SAWIRO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley hoggaanka sare ee xisbiga waddani oo ay horkacayaan gudoomiye cirro iyo, gudoomiye ku xigeenkiisu. Kulankaasi oo madaxweynuhu u fidiyey masuuliyiinta xisbiga waddani ayey ujeedadiisu ahayd sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Cukuse Oo Si Adag Ugu Jawaabay Siyaasiyiin Dhaliilay Kulan Ay Wasiiradii Hore Hargeysa Ku Yeesheen DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii Hore Xanaanada Xoolaha Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa u jawaabay Siyaasiyiin dhaliilay kulan ay Wasiiradii Hore Hargaysa Ku Yeesheen.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Ma suuqii ayaa ka horyimi talow  Ma garanaayo cabanaanta intaa le’eg Waxa jiray qorshayaal ay la baqeen shalay markay iyagu is casuumeen” Siyaasi Xinif DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Cabdikarriim Xinif Oo Wasiiraddii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Oo Hargaysa Kullan Ku Yeeshay ku eedeeeyay inay hurinayaan Khilaaf ka dhex-istaadhma Xisbigga Talada haya ee KULMIYE.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »