Uncategorized

Kuwaas(Madasha wada-tashiga) Yur Dhaha Oo Bax dhaha Oo Waxaad Odhanaysaan……” madaxweyen Siilaanyo

Hargaysa:19-Sep-2013(SDN)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  markale Bulshada ku Guubaabiyey inaanay dhegaysanin Hadallada ka soo baxa Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka.

 

ooddMadaxweynaha ayaa  sheegay inay xubnaha Madasha wada-tashigu aanay aqoonsanayn in dalku Ballaadhan yahay, islamarkaana uu isagu madaxweyne u wada yahay.

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu shalay u jeediyay dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Oodwayne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, halkaasi oo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayaa ay shalay duhurnimaddii gaadheen, kana sii gudbeen.

Sidoo kale madaxwayne Axmed Siilaanyo, ayaa dadwaynaha Somaliland ugu baaqay in ay il gaar ah ku eegaan, isla markaana ay ogaadaan xubnahaasi qaska iyo dhaleecaynta qaawan bulshada ka dhex wada sida uu Aaminsan yahay.

 

madaxwaynuhu Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan dadwaynaha uga digayaa in sidii horeba looga waramay, waxaa jira dad badan oo ummadeena waxyaalo dhibaato ah mooyaane aan wax kale ka shaqaynin, oo had iyo jeer ka hadla waxyaabo bulshada kala fogaynaya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwaa la sheegayay, ee odhanaya muxuu madaxwaynihii ka doonay Barri, Muxuu Burco ka doonay, oo malaha filayay in uu Hargaysa uun madaxwaynuhu fadhiyo, oo aan aqoonsanayn in uu dalku qaybo kale leeyahay, oo uu balaadhan yahay, oo aan annigu ummada Somaliland oo dhan madaxwayne u wada ahay, oo ummada iyo gobol waliba u baahan yahay in wax loo qabto, oo loo baxo, oo loo tago, kuwaana ogaada, oo ka war-qaba, oo yur dhaha, oo bax-dhaha, wixii aad odhanaysaanba dheha”.

 

Waa markii saddexaad ee madaxweyne siilaanyo  uu jawaab siiyo Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo uu intii uu safarka ahaaba si aad u hadal hayey, waxana ay tani sii abuuraysaa kala fogaansho iyo colaad hor leh oo madaxweynaha iyo kooxdan sii  kala irdhaysa.

Somalidiasporanews.ocm

Contact@somalidiasporanews.com