Uncategorized

Abwaan Jaamac Riyo Oo Hees uu Kursiga Kaga Tukhaantukhinayo Madaxweyne Siilaanyo Daawaha Ka Soo Qaaday iyo Xukuumadda Oo Jawaabteeda Raadinaysa

Hargeysa:02-Jan-2013(SDN)-Abwaan Xildhibaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ku caan ah Heesaha Maamulka talada haya lagu Hilgaado, ayaa haatan  bulshada u soo bandhigay Hees murti badan oo uu wax kaga sheegayo Hannaanka Hoggaamineed ee  Xukuumadda Kulmiye.

riyoAbwaanka ayaa hore hees jug weyn gaadhsiisay Xisbigii Udud ee hore hoggaanka u hayey tiriyey, waxana ay heestaasi   ku faaftay Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland, iyagoo in badan dhibsaday Xisbigaas hore ee Talada hayn jirey.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya aqalka Madaxtooyada ayaa sheegaya in markii Heestan la maqlay la isla qaatay in laga jawaabo, islamarkaana la raadiyo Abwaan kale oo heestan ka jawaaba si aanay Bulshada Dhegahooda cidla uga helin heestani.

Xukuumadda Kulmiye ayaan iyadu wax dulqaad ah u lahayn  arrimaha Suugaanta la xidhiidha, waxana hore u dhacday in Suugaano wax lagaga sheegay ay ciddii tirisay Xadhig u  geysatay, islamarkaana la Xusay in Qaar ka mid ah wasiirradeedu ay hab suugaanaysan uga jawaabeen Dhaliilo loo jeediyey.

 

Xildhibaan Jaamac Riyo Heesta cusub ee uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u tiriyey waxa uu Midhaheeda ku sifeeyey xaaladaha dalka ka taagan ee ay xukuumaddiisu ku maamusho halka uu erayadii Rayaale dhibsan jiray Siilaanyo ugu bedelay:-

Dilaalka badheedhayoow

Dushiinay ceebi taale soo data

Kuwii idinkaa ka darane soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

 

Heesta cusub ee Xildhibaan Jaamac Riyo iyada oo is-fasiraysa waxay ku bilaabmaysaa:-

 

Dalkiyo tii tiil gudaha

Dariiqeedii ka baydhay

Dagtoo wax isdaba maryaysay

Dil iyo dhagar noo horseeday

Tashiga duul kula wadaagay

***      ****         ****

Soo doog baan lahaaye

Ka sii dar hadii ay ahaatay

Dan guud iyo boobisteeda

Duul ooman waraabintooda

Adoo duma-baa roone

Dilaalka badheedhayoow

****      ***

Dushiinay ceebi taale soo data

Kuwii idinkaa ka darane soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

 

Xilkaanu kuu dooraniyo

Dantii Somaliland

Dayaysay daryeeli wayday

Qabyaaladii daaha qaaday

Doc iyo reer-reer istaagtay

Shir beeleed dib ugu guurnay

 

Danqaabadii aad abuurtay

Dix iyo ceel lama wadaago

Sidaad duulaan tihiin

Dalkiyo beeshaba qabsaday

Dagmadu tiinii ahayn

Hadhuubkiyo doobigii

Markaw darandoorideen

Dushiinay ceebi timide Soo data

Kuwii idinka ka daran soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

Dir iyo daabaan gabaay ka daado

Waa erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com