Uncategorized

Taliyaha Booliska Somalia Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho Xalay Ka Dhacay oo Shakhsiyaad Caan ahi Ku Waxyeeloobeen

Muqdisho:02-Janu-2013 (SDN)-Waxa wali dhegaha dadka shacabka ah ee Reer Muqdisho ka sii Guuxaya Baaxadda iyo Dhibaatada ay lahaayeen Qaraxyadii Xalay lala Beegsaday Hutel Al Jazeera Ee Magaalada Muqdisho.

 

taliye-sacidDawladda ayaa iyadu markii ugu horraysay ka Hadashay Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadaas, isagoo Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia General Cabdixakiim Daahir Saacdi uu ku faanay inay Laayeen Dhammaanba Kooxdii Huteelka Soo Weerartay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in laba qarax oo loo adeegsaday baabuuro wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay isku qarxiyeen afaafka horre ee hotelka, waxaana  uu Sheegay inay Ku Dhinteen Askar iyo Shacab Tiro baddani.

Wuxuu kaloo sheegay in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan askarta dowladda ay ku dhinteen sidoo kalena dad badan oo illaa 40 qof ah ay ku  dhaawacmeen labada qarax, islamarkaana la geeyay isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ku jira xildhibaan Bashiir Caddow Calasow iyo taliyihii ciidamada dowladda Somalia ee degmada warta-nabadda C/Qani.

Gen Saacid xayaa xusay in ciidamada dowladda ay ka hortageen tan iyo habeenkii xaley qaraxyo Al-Shabaab ay la damacsaneed in ay ka fuliso goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada.

Hadalkan taliyaha ayaa muujiyey in Qaraxaasi ahaa mid baaxad weyn islmarkaana keenay khasaare ballaadhan, iyadoo haatan gebi ahaanba aad loo  adkeeyey ammaanka Magaalada Muqdisho.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com