Hargeysa:02-Jan-2013(SDN)-Abwaan Xildhibaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ku caan ah Heesaha Maamulka talada haya lagu Hilgaado, ayaa haatan bulshada u soo bandhigay Hees murti badan oo uu wax kaga sheegayo Hannaanka Hoggaamineed ee Xukuumadda Kulmiye.
Abwaanka ayaa hore hees jug weyn gaadhsiisay Xisbigii Udud ee hore hoggaanka u hayey tiriyey, waxana ay heestaasi ku faaftay Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland, iyagoo in badan dhibsaday Xisbigaas hore ee Talada hayn jirey.
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya aqalka Madaxtooyada ayaa sheegaya in markii Heestan la maqlay la isla qaatay in laga jawaabo, islamarkaana la raadiyo Abwaan kale oo heestan ka jawaaba si aanay Bulshada Dhegahooda cidla uga helin heestani.
Xukuumadda Kulmiye ayaan iyadu wax dulqaad ah u lahayn arrimaha Suugaanta la xidhiidha, waxana hore u dhacday in Suugaano wax lagaga sheegay ay ciddii tirisay Xadhig u geysatay, islamarkaana la Xusay in Qaar ka mid ah wasiirradeedu ay hab suugaanaysan uga jawaabeen Dhaliilo loo jeediyey.
Xildhibaan Jaamac Riyo Heesta cusub ee uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u tiriyey waxa uu Midhaheeda ku sifeeyey xaaladaha dalka ka taagan ee ay xukuumaddiisu ku maamusho halka uu erayadii Rayaale dhibsan jiray Siilaanyo ugu bedelay:-
Dilaalka badheedhayoow
Dushiinay ceebi taale soo data
Kuwii idinkaa ka darane soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data
Heesta cusub ee Xildhibaan Jaamac Riyo iyada oo is-fasiraysa waxay ku bilaabmaysaa:-
Dalkiyo tii tiil gudaha
Dariiqeedii ka baydhay
Dagtoo wax isdaba maryaysay
Dil iyo dhagar noo horseeday
Tashiga duul kula wadaagay
*** **** ****
Soo doog baan lahaaye
Ka sii dar hadii ay ahaatay
Dan guud iyo boobisteeda
Duul ooman waraabintooda
Adoo duma-baa roone
Dilaalka badheedhayoow
**** ***
Dushiinay ceebi taale soo data
Kuwii idinkaa ka darane soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data
Xilkaanu kuu dooraniyo
Dantii Somaliland
Dayaysay daryeeli wayday
Qabyaaladii daaha qaaday
Doc iyo reer-reer istaagtay
Shir beeleed dib ugu guurnay
Danqaabadii aad abuurtay
Dix iyo ceel lama wadaago
Sidaad duulaan tihiin
Dalkiyo beeshaba qabsaday
Dagmadu tiinii ahayn
Hadhuubkiyo doobigii
Markaw darandoorideen
Dushiinay ceebi timide Soo data
Kuwii idinka ka daran soo data
Diir iyo ayax oomanoow ka data
Dir iyo daabaan gabaay ka daado
Waa erayadii Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo)
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
