Uncategorized

“Anigu ma ihi madaxweynihii ugu horeeyey oo koox madaxtooyada ku heysta ee waxaan jeclaan doonaa in aan noqdo madaxweynihii ugu danbeeyey ee koox isaga u gaar ah heysta” Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho:21-Jan-2014 (SDN)-Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa xalay Ka qayb galay Barnaamij Dood Wadaag ah oo Shacabka Somaliyeed qaarkood ka qayb qaateen, isla-markaana ay ka dhasheen Jawaabo xiiso badani.

khilaafBarnaamijka Dood Wadaag oo  laga soo Daayey Tv-ga Universal, ayaa shacabka soomaaliyeed u jeedaddiisa fikiro kala duwan ka Bixiyeen, iyaddoo dadka siyaasada  ku xeeldheer ay ku sheegeen inuu ahaa barnaamij uu madaxweynaha ugu gogol-xaarayo in baarlamaanka kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub.

Waxaana dhici karta in barnaamijka loo soo horumariyey in arbacada ay tahay maalinta codka kalsoonida loo qaadayo xukuumada cusub, taasi oo dib dhaafeysa fariinta uu la sugi waayey habeenkaasi Madaxweynaha ee ku aadan baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda cusub ayuu ku sheegay inay tahay mid lagu dhisay wadatashi badan oo ay wadayeesheen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana ay wasiirada u badiyeen qancinta wax uu ku sheegay qabiilada Soomaaliyeed inay iska dhex arkaan.

Haddaba Halkan ayaanu idiinku soo Gudbinaynaa Su’aalihii ugu muhiimsanaa ee Madaxweynaha la weydiiyey iyo Hannaankii uu Uga Jawaabay.

MA IS-CASILEYSAA HADDII XUKUUMADAN LABAAD FASHILANTO?

Su’aalaha la weydiinayey madaxweynaha oo u badnaa kuwa si gaar ah loo soo diyaariyey oo aysan ka muuqan kuwa taabanaya dhaliilaha hogaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa madasha dooda mar kaliya badelay abwaanka weyn ee Abdi Shire Jamac, taasi oo ah in xukuumadii hore ee Saacid la riday, haddana midda uu soo dhisay oo saluug badan laga qabo haddii ay socon weyso uu diyaar u yahay inuu isaga markaasn IS-CASILO.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa uga jawaabay su’aashaasi in is-casiladiisa ay ku xiran tahay marka hore in la isweydiiyo  meesha qaladka uu ka jiro ama fashilka. Haddiina uu dhankiisa noqdo uu diyaar u yahay inuu IS-CASILO. Laakiin waxaa uu sii daba dhigay in haddii xukuumada iyo golaha wasiirada ay fashilkaasi yeeshaan inay iyaga meesha ka bixi doonaan oo uusan isaga meesha ka bixi doonin.

“Xukuumadan labaad haddii fashil soo wajaho , oo fashilkaasi aan aniga leeyahay waxaan diyaar u ahay in aan IS-CASILO, maxaa yeelay wixii qalad aan leeyahay wax ku xumaadaan waan ka baxayaa meesha, laakiin haddii xukuumadda qaladkaasi iyo fashilkaasi yeelato, hadde aniga meesha kama baxaya ee cidda mas’uuliyadaasi leh ayaa ka bixi doonta meesha” ayuu yifhi Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

XEYNDAAB URUR AMA KOOX AYAAD KU  JIRTAA EE MA QIREYSAA HADDA?

Abwaan Abdi Shire ayaa mar kale weydiiyey su’aal uu hadda ka hor ku weydiiyey London taasi oo ah inuu xeyndaab urur uu madaxweynaha ku jiro, taasi oo uu horey u beeniyey madaxweynaha. Laakiin Abdi Shire ayaa yiri: Hadda London ma joogo oo Muqdisho ayaan kula joogay lix bilood, waxaana ii cadaatay inaad koox xeyndaab ugu jirtide, Miyaad haddana inkiri doontaa?

Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu cadeeyey markii ugu horeysay inuu xeyndaab koox ama urur diimeed ku jiro, taasina ay tahay mid uu ku faraxsan yahay.

“Madaxweyne kaligii socda miyaa faa’iido keenaya. Waa run in koox iyo dad ii gaar ah aan leeyahay kuwaasi oo igu xeyndaaban, waxaase dadkaasi idin sheegayaa inay ii leeyihiin muhiimad weyn oo dalka iyo dadkaba faa’iido u leh.” ayuu yidhi Xasan Shiikh oo intaasi ku daray:

“Aniga ma ihi madaxweynihii ugu horeeyey oo koox madaxtooyada ku heysta ee waxaan jeclaan doonaa in aan noqdo madaxweynihii ugu danbeeyey ee koox isaga u gaar ah heysta” ayuu si kaftan ku  jiro uga jawaabay su’aasha uu abwaan Abdi Shire Jamac weydiiyey.

SOMALILAND GOONI ISKU TAAGEEDA KAWARAN?

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa aysan marna gorgortan ka geli doonin midnimada ummada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in wadahadalka ay Somaliland la leeyihiin ay had iyo jeer arrintaasi ku cadeeyana.

Hase yeeshee kulamada ay la qaataan Somaliland ayuu ku tilmaamay horumar la sameeyey marka loo eego wadahadal la’aantii inta dalka uu burburkan xoogan ku jiray.

KHATUMO MAXAA KUU DIIDAY INAAD AQOONSATO IYO WASIIR AAN U QALMIN AYAAD SIISAY BEESHA HALKAASI DEGTA?

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale waxaa uu doodan ku cadeeyey fikirkiisa ku aadan maamulka Khatumo State, isagoona sheegay inuusan diidaneyn wixii dadka isku taga oo tashta ay dowlada ula yimaadaan, waxaase uu ku xidhay in dowlada iminka aysan gaadhin fulinta nidaamka federaalka ah ee maamuladaasi looga shaqeynsiin lahaa.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Somaliya ayaa la waydiiyay waxa lagu xasuusan doono marka uu xukunka ka dego.

Xasan Sheekh ayaa sheegay waxaa ii qorshaysan labo arimood ,wadanka Somaliya oo dhan oo mid ah Xuduuda Jabuuti Ilaa Kiiniya.Iyo Dawladnimada oo meel walba gaadha.labadaasi arimood ayaa ii qorshaysan oo aan jecelahay in aan arkoo oo dib usoo daymoodo.

 

Source: Boramanews.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com