London Jan 21,2014(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa safaro ujjeedo badana ugu kala kicitay dalalka Faransiiska,UK iyo Imaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa haatan safarka uu haatan ku joogo dalka Faransiiska waxa uu ku iibgeeyay dekedda Berbera oo ay shirkado dalkaasa xiiseynayaan.
Halka lagu wado in uu taa uga gudbo safar uu ku tegi doono Shariqa oo uu kula kulmi doono shirkad maamuli doonta gegida duyuuradaha ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo intii aanu ka dhoofin dalka la hadlay saxaafada ayaan inaba soo hadal qaadin qorshahan uu ilaha dhaqaale ee dalka ugu wareejinayo shirkadaha shisheeye.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu caafimaad u tegayo dalka UK oo uu mudo sida uu sheegay ku nasan doono.
Lama cadeeyn xaalada caafimaad ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ee uu dhakhaatiirta UK ka kaashan doono.
si kastaba ha ahaatee aqalada sharci dejinta dalka ayaa dhawraya sida madaxweynuhu u maamulo heshiisyadan.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com
