Hargaysa 04.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Gudiga Wadada-cad ee isku xidha magaalooyinka Hargaysa iyo Salaxlley Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) ayaa Waraysi gaar ah oo uu ku siiyay shabakadda Caalamiga ah ee Qurbajoogta Xarunteeda Magaaladda Hargaysa Waxa uu kaga warbixiyay sida ilaa hadda ay u socoto hawsha Mashruuca Balaadhan ee Wadada cad.maadaama uu sheegay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,in guddiga wadada cadi ay yihiin kuwa ugu tacabka badan ee Guud ahaan Gudiyadda Wadooyinka ee Dalka ka socda.
waxaana uu Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare),tilmaamay in wax walba ay u socdaan sidii loogu talagalay,waxaana uu si aad ah ugu mahad celiyay Ka sokow dadka u dhashay Beesha Cid kasta oo ka qayb qaadatay Hawshan Dhismaha Wadadan.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Waraysigan oo dhinacyo badan leh
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CaliSanyare04.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
