Uncategorized

Halkay Maraysaa Hawsha Dhismaha Wadada Cad,Goorma ayaa la filayaa inay Dhamaato Waa Barnaamij Gaar ah oo uu Shabakada Qurbejoog.com Siiyay Mudane Cali Sanyare oo ah Gudoomiyaha Gudida dhismaha Wadada Cad {DHAGAYSO}

Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)Hargaysa 04.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Gudiga Wadada-cad ee isku xidha  magaalooyinka Hargaysa iyo Salaxlley Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) ayaa Waraysi gaar ah oo uu ku siiyay shabakadda Caalamiga ah ee Qurbajoogta Xarunteeda Magaaladda Hargaysa Waxa uu  kaga warbixiyay sida ilaa  hadda  ay u socoto hawsha Mashruuca Balaadhan ee Wadada cad.maadaama uu sheegay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,in guddiga wadada cadi ay yihiin kuwa ugu tacabka badan ee Guud ahaan Gudiyadda Wadooyinka ee Dalka ka socda.
waxaana uu Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare),tilmaamay in wax walba ay u socdaan sidii loogu talagalay,waxaana uu si aad ah ugu mahad celiyay Ka sokow dadka u dhashay Beesha Cid kasta oo ka qayb qaadatay Hawshan Dhismaha Wadadan.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Waraysigan oo dhinacyo badan leh
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CaliSanyare04.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com