Uncategorized

Dal Islaam ah Oo Joojiyey Duqaynta Diyaaradihiisu Ku Hayeen Daacish, Kadib Ololinta Duuliyihii Reer Urdun

Dubai:Feb,05,2015(SDN/QJ)-Dalka Imaaraadka Carabta oo horemood ka ahaa weerarka cirka ah ee lagu hayo kooxda Daacish eek a dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Syria, ayaa la sheegayaa inay si kedis ah u joojisay Duqayntii Diyaaradaheedu hayeen Islaamiyiinta ISIS.

caanoSababta Keentay in Isutagga Imaaraadka Carabtu joojiyaan Duqayntaas, ayaa lagu sheegay inay aragtay Hannaankii Kooxda Daacish usoo ridday Diyaaradii dalka Jordan laga lahaa iyo waliba sidii duuliyihii la qabtay Nolosha Loogu Gubay.

Laba sarkaal oo Maraykan ah ayaa laga soo xigtay in wadanka Khaliijka ku yaal UAE kana mid ahaa huwanta weerarada xagga cirka ah ku qaadeyay Daacish ay u joojisay sababo la xidhiidha amaanka duuliyaasheeda haddii diyaaradaha ay duulinayaan la soo rido iyo waliba dhaqanka Daacish eek u wajahan cidda ay nolosha ku qabato.

Duuliye Mucaad oo u dhashay dalka Jordan ayaa la gubay isagoo nool ku dhowaad bil markii ay ururka ISIL gacanta ku dhigeen markii la soo riday diyaarad uu duulinayay.

Saraakiishan Maraykanka ah oo diiday in la shaaciyo magacyadooda sababo la xidhiidha inaanay lahayn awooda ay warka ku bixiyaan ayaa waxaa warkan ka soo xigtay jariirada New York Times.

Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta UAE ayaa dalbatay in Maraykanka uu hormariyo dadaalkiisa badbaadinta ah marka la soo rido diyaarad gaar ahaan isticmaalka V-22 Osprey diyaarada loo yaqaan oo hadda saldhig u ah Kuwait, waxana ay saraakiisha warkan laga soo xigtay sheegeen in dowlada UAE dooneyso in diyaaradahaas la keeno Waqoyiga dalka Ciraaq si ay u sahlanaato raadinta iyo badbaadinta duuliyaasha.

Diyaaradahan loo yaqaan Ospreys ayaa u duula sida diyaaradaha caadiga ah hase ahaatee waxa ay dhulka ugu degi karaan sida diyaaradaha helikabtariska ah.

Inkastoo dowlada Imaaraadka ay joojisay ka qeybgalka weerarada ka dhanka ah ISIl ayaa dowlada Maraykanka waxa ay warbixinada ay siiso saxaafada ay marwalba ku soo dartaa in Imaaraadka uu ka qeybqaadanayo howlgalada duqeynta ah ee lagu qaado dagaalyahanada ururka Daacish.

Duqeymaha ay huwanta Maraykanku horkacayaan ayaa ku qasabtay ururka ISIL inuu dib uga gurto magaalada Kobane halkaa oo dagaal qadhaadh kadib gacanta ku dhigeen Kurdiyiinta.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com