Uncategorized

Dil Argagax Leh Oo Hargeysa Loogu Geystay Askari Boolis ah Midkalena lagu dhaawacay

Hargeysa:June,22,2015(SDN/QJ)-Dil aad u argagax badan, ayuu  xaafad ku taalla dhinaca waqooyi ee Magaalada Hargeysa  nin shacab ahi ugu geystay laba kamid ah ciidamada Booliska oo warqad soo qabasho ah oo kasoo baxday Maxkamad u siday, iyadoo mid kamid ah Askartii halkaas ku geeriyooday, halka mid kalena dhaawacmay.

rruoSida ay goob-joogayaashu u xaqiijiyeen Wargteyska Hubaal, waxa dhacdadani ka dhacday Guri ku yaalla Degmada 26-Ka June ee Magaalada Hargeysa, iyada oo Ninka Dilkaas geystay uu toogtay ciidankaas soo qabashadiisa ku amranaa, kadib markii ay guriga ku garaaceen.

Warku waxa uu intaas ku daray in Ninka dilka lagu eedaynayo oo ganacsade ahaa ay soo dacweeyeen  Muwaadiniin lacago u sheeganayey, kuwaas oo maxkamadda kasoo goostay Warqad soo qabasho ah, isla-markaana ciidanka dhimashada iyo dhaawacu gaadhay ay warqaddaas sideen, kuna talo jireen inay  xidhaan ka hor intii aanu si toos ah u tooganin.

Ciidanka Booliska ah oo lagu waday Gaadhi rayidku leeyahay, ayaa  Aqalka Ninkaas garaacay, isla-markaana Dalbaday inuu soo raaco, iyagoo tusay warqadda soo qabashada ah ee Maxkamadda ka timi, waxana uu usheegay inay sugaan inta uu soo diyaar garoobayo, balse dhacdo naxdin leh, ayaa intaa wixii ka dambeeyey bilaabtantay.

Ninka lagu eedaynayo inuu dilka geysay, ayaa la sheegayaa inuu aqalka kala soo baxay Bastoolad u taallay, isla-markaana Askartii Albaabkiisa taagnayd ku bilaabay toogasho, isagoo halkaas ku dilay Hal askari, midkalena ku dhaawacay, halka intii kale ay cagaha wax ka dayeen.

Ninka dilkaas lagu eedaynayo ayaa Goobta iskaga baxsaday, iyadoo ilaa haatan ciidamada Boolisku ku Hawllan yihiin soo qabashadiisa, balse wali gacanta laguma dhigin shaksiga dilkaas naxdinta leh lagu eedanaynayo.

Ilaa iyo Xalay ciidamada Booliska ayaa ay taladoodu noqotay inay gaaf wareegaan Deegaanka Dilkaasi ka dhacay, iyagoo Bilaabay qabqabashada Odayaal ehel la ahaa ninka dilkaas loo nisbaynayo, mana ay qaadin wali wax tallaabo ah oo intaas dhaafsiisan.

Taliska Ciidanka Booliska ayaan wali ka Hadlin arintan, waxana Meydka Askarigii geeriyooday la dhigay Qolka Meydka ee Cisbitaalka Hargeysa, halka kii dhaawaca ahaan xaaladdiisa lala tacaalayo.

Ammaanka Magaalada Hargeysa, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey,  waxana dilal kala duwan iyo dhaawacyo laga geysanayey xaafado kala duwan oo caasimadda ku yaalla, iyadoo aanay ciidamada Boolisku wali muujinin  tallaabooyin ay arrimahaas wax kaga qabanayaan xilli lagu jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaanta.

Dhimadashada Ciidamada Booliska iyo kuwa qaranka, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si joogto ah loogu laynayey Goobo kala duwan oo dalka ku yaalla, waxana dhawaan laba kamid ah Booliska ay kooxo hubaysani ku laayeen Dhinaca Galbeed ee Caasimadda Hargeysa, iyadoo aan wali lasoo qabanin Gacan-ku-dhiiglayaashii Falkaas geystay.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com